Qaramada Midoobey oo ka hadashay dhuxusha laga dhoofiyay Soomaaliya
Ergeyga joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walacsan yihiin Markab lagu qaaday in ka badan 200,000 jawaan dhuxuul ah kaasoo ka baxay deked ku taalla koonfurta Soomaaliya kuna xirtay dekedda Ummu Qasri ee dalka Ciraaq.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay dhammaan dhinacyadii ku lugta laa dhoofinta sharci darrada ah ee dhuxusha ee dalka Soomaaliya.
War-saxafadeedka ayaa lagu sheegay in dhoofinta sharci darrada ah ee dhuxusha ay halis ku tahay ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.
Dhakhliga kasoo baxa dhoofinta dhuxusha Soomaaliya ayaa horraan la sheegay inay ahayd isha dhaqaalaha ee kooxaha Al Shabaab iyo Al Qaacidda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqday dowladda Ciraaq inay baarto qorshaha dhuxusha dalkeeda loogu dhoofiyo isla markaasna ay tallaabo qaaddo.
Waxayna sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo dhammaanka dalalka saaxibada la ah inay kala shaqeeyaan dadaallada looga hortaggayo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.





