Dawladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Sababta Ay Dadka Garsoor Ugu Doontaan Kooxda Shabaab

Raii’sul Wasaare Ku xigeenka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa ka hadlay sababta dadka ku nool Magaalada Muqdisho qaarkood Garsoor ay ugu doontaan deeganada Shabaab ay maamulaan.

 

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay cabsi ay kala kulmaan ururka Al Shabaab awgeed dadka inay garsoor ugu doontaan deeganada Shabaab, maadaama sida uu sheegaayo Shabaab dadka ay soo wacaan.

 

Wuxuu sheegay masuuliyadda muwaadinka Soomaaliyeed ka saaran dowladda inay tahay in ammaankiisa ay sugto, muwaadinka isagana laga doonayo inuu naftiisa masuul ka noqdo oo uusan u tagin marka ay Shabaab u yeeraan.

 

Al Shabaab ayaa wuxuu ku eedeeyay inaysan ka shaqeyn Cadaaladda, islamarkaana dadka ay cabsi galiyaan, taasina ay tahay sababta ay ugu tagaan deeganada Shabaabka ay joogaan.

 

Baarlamaanka Federaalka, mucaaradka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in arrintan ay masuuliyad ka saaran tahay keliya aanan xukuumadda lagu dhaliili karin, wuxuuna ku baaqay in hawshan si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

 

“Marka ugu horeysa yaa leh dhaliisha ah Al Shabaab garsoor yaan loo tagin ama haloo tago, Al Shabaab marka ay ku soo wacaan masuuliyadda dowladda ka saaran waxa weeye inay ammaankaada ilaaliso, qofkana waxaa laga doonayaa inuu iska diido, baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayay masuuliyad ka saaran tahay arrintan sidii wax looga qaban lahaa.” Ayuu yiri R.W kuxigeenka

 

Dad badan oo ku qanci waaya hanaanka Garsoor ee maxkamadaha ku yaalo Gobolka Banaadir ayaa taga dhulka ay gacanta ku hayaan Shabaab, kuwaasi oo Garsoor u doonta.

Raii’sul Wasaare Ku xigeenka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed Qadar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker