Maraykanka Oo Dhex-dhexaadinaya Itoobiya, Masar Ee ku Muran-san Wabiga Nile.

Dawlada Maraykanka ayaa dhex-dhexaadinaysa dawladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan eek u muransan mashruuca dhismaha biyo xireenka webiga Nile.

Wadahadaladan uu Mareykanka garwadeenka ka yahay ayaa waxa kazoo qayb-galay wasiirada arimaha dibada ee dalalka ku muransan biyo xireenka Nile.

Bulshada Masar ayaa inta badan ku tiirsan biyaha webiga Nile waxay na ka cabsi qabtaa in biyo xireenka uu saameyn ku yeelan doono heerka biyaha ee gaara dalkeeda, iyadoo sidoo kale ka walaacsan in mashruuca uu fursad u siin doono Itoobiya inay maamusho biyaha.

Mashruucan oo ku kacay 4 bilyan oo doolar, ayaa Itoobiya ka dhigaya inay noqoto dalka ugu wax soo saarka badan dhinaca korontada guud ahaan qaaradda Afrika, iyadoo dhisimahan uu marar badan hareeyay dib u dhac, ayaana hadana kala caddayn inuu howlgali doono sannadkan 2021-ka oo ah xilliga ay dowladda sheegtay inuu si rasmi ah uu shaqeyn doono.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ee uu Mareykanka ku dhexdhexaadinayay Masar iyo Itoobiya ayaa la isku mari waayay, mana cada inay wadahadalandan manta ay kusoo dhamaan doonaan jawi is afgarad, xilli hadda ka hor wadahadallo kale ay guul daro kusoo gabagaboobeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker