Mareykanka Oo Fiisaha Dal Ku Galka Ah Kala Noqday Qoyska Safiirka Falastin.
Washington-(OWN)-Mareykanka ayaa Fiisaha dal ku galka ah kala noqday qoyska Safiirka Ururka PLO oo fadhigiisu yahay magaalada Washington, DC,taasoo ah tallaabadii u dambeysay ee maamulka Madaxweyne Donald Trump uu kaga soo horjeedo saraakiisha Falastin.
Husam Zomlot oo ah Safiirka Falastin ayaa sheegay in qoyskiisa oo ay ku jiraan laba caruur ah ay ka ambabaxeen Mareykanka,kadib kolkii lagu wargaliyay in fiisaha ay wataan aanu aheyn mid dhaqangal ah,halka uu tilmamay in dalku galkaasi uu dhacayo sanadka2020-ka.
Tallaabadaan ayaa timid markii todobaadkii hore la shaaciyay in Mareykanku uu xidhayo xafiisyada dibolomaasiyadeed ee ururka Falastiin uu ku lahaa Washington.
Hanan Ashrawi, oo ah xubin ka mid ah Guddigga Fulinta Ururka reer Falastiin ayaa cambareysey go’aanka lagu tirtirayo ama lagula noqonayo fiisaha dal ku galka
Bisha soo socota,ayeey aheyd in uu dhaqangalo go’aanka Mareykanka ee lagu xidhayo xafiiska rurka PLO,inkastoo tallaabadan waqtigeeda laga soo hormariyay,





