Falan-qaynta Ciyaaraha , Xanuunka Corona oo U Muuqda Mid Gabi ahaanba Meesha ka Saaray Premeire League
Horyaalka Premier League ayay Hallantu ahayd in uu dib u bilaabmo maanta oo ay bisha April tahay 4, laakiin waxa dib loogu riixay maalinta ugu dambaysa bishan ee April 30, taas oo iyadana uu ka daba yimid War kale oo ay soo saareen maamulku oo ay ku sheegeen in xilligaas aanay suurtogal ahayn in la bilaabo.
Go’aamadii ugu dambeeyey ee ay Jimcihii soo saareen EPL, EFL iyo PFA ayaa waxay meesha ka saareen in waqti cayiman oo lagu xisaabtamo ay u qabtaan xilliga ciyaaruhu dib u bilaabmayaan, waxaanay ku doodeen in hadda aanay jawaabta su’aashaas heli karin, hase yeeshee kaliya mudnaanta la siinayo bad-qabka caafimaad ee shacabka, isla markaana ciyaaruhu aanay daruuri ahayn marka badbaadada naftu taagan tahay.
Tani waxay sii kordhinaysaa walaaca ah in xili ciyaareedkan la kansalo, taas oo iyaduna khatar weyn ku ah gebi ahaanba kooxaha Ingiriiska ee ka qayb-geli lahaa tartanka Champions League.
Manchester City oo laba sannadood laga ganaaxay ka qayb-galka Champions League ayaa waxa raaci doonta Liverpool oo iyadna loo diidi doono inay tartankaas ka qayb-gasho haddii xili ciyaareedka Premier League la dhamaystiri waayo.
Sida uu sheegeeneen Madaxweynaha UEFA, Aleksander Ceferin, Guddoomiyaha ururka kooxaha Yurub, Andrea Agnelli iyo Lars-Christer Olsson oo ah madaxweynaha tartamada Yurub (European Leagues), waxa kaliya loo ogolaan doonaa inay ka qayb-galaan tartanka Champions League ee xili ciyaareedka dambe kooxaha tartamada gudahoodu dhamaadeen ee aan la kansalin.
https://youtu.be/WS59NlcQrQE?t=5