Somalidu waxay tidhaahdaa.Doqoni qabyaalada iyo xin mooyiye, dawladnimo ma oga.by Jamal hargeysaawi

Boramay ayaan daran Qabyaalada waxa Ku Adeegta Qof Aan is Garanayn cida uu yahay Aminsanayna in uu leyahay Awoodo dabeeci ah oo uu ku gaadhi karo waxa uu rabo.hadaba magaalada borama oo ah caasimada labaad ee somaliland oo noqotey magaalada uu maayarka u yahay kaarigii ge,geda xoolaha ee borama lagu kala,iibsado ka shaqeyn jirey.

Sida intabada dadka ge,geda xoolaha ka shaqeysta ay u dhaqmaan waa mid dhamaan dadka somaliyeed ay wada yaqanaan,marka dadka reer miyigu ay xoolaha keenaan magaalada waxay u dhiibtaan qofka ay isku qabiilka yihiin hadaba maayar maydhane waa nin ay shaqadiisu ahayd sidaas tii uunbuu la yimidey maamulka degmada borama waa shaqsi aan waxba ka ogeyn waxbana kala socon nidaamka dawladnimada JSL.

Mudane madaxwayne shacabkii reer borama waxay khaatiyaan ka taaganyihiin qabyaalada maayar maydhane oo ahaan jirey kaari ka shaqeeya ge,geda xoolaha ee borama oo aan fahansaneyn sharciga wadanka JSL waxaan ka codsaneynaa inaad wasiirka arimaha gudaha ku amarto inuu fadhiisiiyo golaha degaanka borama.

Maahmaah somaliyeed baa tidhaahda: God hadimo ha qodin, haddaad qodidna ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid.maayarka borama waxaan leeyahay waar shacabkii borama waad kaladirtey oo waad iska horkeentey ee halkaad tegi lahayd diyaarso adigu

Somalidu waxay tidhaahdaa: Far bugtaa, Faraha kale ka dheer.maayar maydhane waa xanuunkii ku dhaxjirey golaha degaanka borama waana ( cancer)ka  qabyaalada ee borama waxaana loo baahan yahay iney iska qabtaan shacabka iyo golaha degaanka borama intuba waa iney dhinac ka soo wada jeestaan..

By Jamal hargeysaawi

Jamalhargeyaawi@gmail.com

Uk London

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker