Shicibka Somaliland Gude & Debedba waxay waayeen, cid ay u dacwoodaan Xukuumadii, Maxkamadihii, Golayaashii Sharci Dejinta Guligood, oo Tacadiga & qaylada Shacabka dhegeysa, waxna ka qaban uuna aamusa

Shicibkii Somaliland ee Gude & Debedba intaa Tv,yada waxay la taagan yihiin, waxaanu hawada u marinaynaa
Cabasho Madaxweynaha, waxay intaa ku baaqaan, Garsoorka & Maxkamaduhu Dacwadayada hoos eegaan oo
aanu Dacwadayadii u gudbinay oo aan waxbma lanooga qaban, & Gar eexo oo Maxkamadihii cid gaara u xag-
liyeen.
Baarlamaankii oo Cabashada Dadweynaha daawada, Sharciyo & xeerar ay Umada ku maaweliyaan soo saara
oo aan waxba ka hir gelin, oo aanay eegin Cabashada Shacabka ay ka wakiilka yihiin, oo intey iska indha tiraan
Xeerka Xukuumadu wadato ee ay Dhaameelka ka helayaan, ka dooda gacantana u taaga, oo loo bixiyey golihii
Dhaameelka & mooshin Quutayaal, shicibkii haraadan ee Biyihii xumboweyne Lacagtiisii uu cuney Maxamuud
xaashi Maxkamad ay hor geeyeen miyaa la arkey, shicibka qaadhaankii Abaarta & tii Airportyada laga dhacay
miyaa la arkay, Wasiiradii &Xukuumadii Siilaanyo, Aamina weris, & samsam, Moorgan & sacad cali Shire oo
shirkad magacooda ku bpoobayaan Dubai ka furtey iyagoo daba gal ku sameeyey miyaa la arkey.
Dumar Hooyooyin, Hablo & Sodohaba leh ayaa Wasiir Guri Sadheeye Buugaag ku qorey caydooda, oo Hablihii
u gudbiyeen, oo xiitaa ablaahasii la caayey Baarlamaan ku jiraan Hablahoodi cid ka doodey, oo Buugaana hala
gubo, wasiirkanaa Xilka laga qaado aanay odhan karin, oo Dumarkaasi kuwey wakiilada ka yihiin ku jiraan.
Gudoomiyaha Maxkamadaha & Garsoorayaasha oo faan uun Tv,yada la taagan waanu dhisanay oo Cadaalada wax’
weyn ayaan ka qabanay, hadana Shicibkii xaqoodii & xuquudoodu lagu tubanayo, oo Shaadh dawladeed loogu awood
sheeganayo, oo layska xidhay iyadoon Sharci loo soo marin, hadana intuu la doono intuu uwaadinku xidhnaado oon
axkamad la geyn layska sii daayo, Dhalinyaradii ayaa lagu xidhayaa, FaceBook ayaad wax ku qortey, sawiro soo gelisey
ma cadaaladba, hadana Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan X,Cali wuxuu ku andacooda Dastuurka & Sharciga
Somaliland ayaa damaanad qaaday inaan Fikirka qofka lagu xidhin, oo Xoriyatal Qawlka la cabudhin, hadana waxba
kama qabto, Dhalinyarada & Shacabka Fikirkooda lagu xidhayo, een Maxkamad la taagin, inta Jeelasha lagu hayo
layska sii daayo.
Sidaas Darteed, Shacabka Somaliland Gude 7 debedba Cabashadooda Ilaahay haw dacwadaan, waayo Xukuumadii
Maxkamadihii & garsoorkii, Baarlamaankii Wakiilo & Guurtiba waa wada daawadayaal, isku mida oo Shicibka
Cabashadooda ku raaxaysta, ku digta, ee Ilaahay ayaa ku maqan Shicibkaasi.
wabilaahi tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker