Nin Lasoo Qabtay Kadib Markuu Uu Dilay Xaaskiisa oo Uur Lahayd

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutatada 14-ka October ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in dil aad looga naxay gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan tuulada Muur Diinle ugu geestay xaaskiisa oo laheyd uur 8-bilood ah.

Cabduqadir Cali Axmed ayaa la sheegay in muran soo kala dhax galay kadib dil u geestay xaaskiisa oo lagu Magacaabi jirey khadiija Sheekh Nuur Cabdi oo u heesay 8-caruur ah , ninkan ayaana dilka kadib ka baxday deegaanka uu dilku ka geestay.

Taliyaha Ururka 53-ee Guutada 14 Oktoobar Dhamme Daa’uud ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada milatariga gacanta ku dhigeen ninkan gacan ku dhiiglaha uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay baxsad ku jira.

Ninkan gacan ku dhiiglaha ayuuna sheegay taliyaha in lagu wareejinayo ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa dambi baarista si loo horgeeyo cadaalada looguan qaado dambiga uu geestay.

Dhacdadan ayaana noqotay mid si weyn uga argagaxeen dadka ku dhaqan deegaankii uu dilku ka dhacay , waxaana dilkan qeyb ka noqonayaa dhacdooyinka argagaxa leh ee kusoo kordhaya gudaha Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker