Nicholas Haysom Ayaa Si Rasmiya Loogu Soo Magacaabay In Uu Noqdo Ergeyga Gaar Ah Ee Qaramada Midoobey U Qaabilsan Soomaaliya.

Muqdisho-(OWN)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guturres ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Nicholas Haysom in uu noqdo ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaliya isaga oo badali doono ergeygii hore Michael Keating .

Ergeygan cusub Nicholas Haysom ayaa u dhashay dalka Koonfur Africa waxaa la sheegay in uu yahay nin Qarreen ah oo ku takhasusay arrimaha dowlad wanaagga, Dastuurka, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabada, waana tan keentay ayaa la leeyahay in loo soo xusho in uu noqdo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Laakiin magacaabistiisan ayaa imaneysa xili siyaasada Soomaaliya aanay deganeyn oo uu jiro khilaaf weyn oo ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulada qeybta ka dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan shir ay ku yeesheen Kismaayo kaga dhawaaqay in ay xidhiidhka u jareen dowladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker