Nin Somali Ah Oo Laga Siidaayay Xabsiga Guantanamo Bay Oo Mudo Badan Ku Xidhnaa

Guled Xasan Duraan oo ah muwaadin Soomaali ah kuna xiran xabsiga Guantanamo Bay ayaa la sheegay in laga sii daynayo xabsiga.

Duraan ahaa maxbuuskii ugu horreeyay ee laga keeno xabsiyada qarsoodiga ah ee C.I.A ayaan weligiis lagu soo oogin wax dacwad ah.

Maxbuuskan Guuleed Xasan Duraan, oo 47 jir ah, ayaa go’aankan loo sheegay Isniinta aynu ka soo gudubnay oo ku beegnayd sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xabsiga lagu hayo ee saldhigga ciidammada badda Mareykanka ee Cuba.

Waxa uu noqonayaa maxbuuskii 15-aad ee 39-ka maxbuus ee weli ku jira Guantanamo oo loo ogolaaday in la sii daayo, hadii uu helo dal qaabilaya oo damaanad qaadaya amnigiisa.

Duraan ayaan loo ogoleyn inuu ku laabto dalkiisa sida uu dhigayo xeerka wareejinta maxaabiista Guantanamo oo si gaar ah looga mamnuucay dalalka Soomaaliya, Libya, Syria iyo Yemen.

Guled Duraan waxaa lagu qabtay dalka Jabuuti sanadkii 2004-tii, wuxuuna ku sugnaa ilaa 900 maalmood xabsiga qarsoodiga ah ee sirdoonka Maraykanka C.I.A., kahor intaan lagu wareejiyey xabsiga weyn ee Guantanamo Bay sanadii 2006.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker