Casharrada Hindiya iyo Caabuqa COVID19

Waddanka Hindiya waa dalka dunidan kaalinta labaad kaga jira xagga tiro badnaanta xaddiga bulsho marka laga yimaaddo carriga Shiinaha. Shiinaha oo ah waddankii xanuunka COVID19 uu ka soo bilaabmay dhib badanna gaadhsiiyey waxa uu la wadaagaa xad dheer. Hindiya waxa ku nool dad badan oo sabool ah. Waa waddan u nugul in xanuunnadu ku faafaan. Laakiin ilaa hadda dadka xanuunka laga helay waa dad yar, 979 qof ayaa xanuunku marayaa maanta. Dadka u dhintay waa 25 qof. 94 qof oo ka mid ah dadkii xanuunku ku dhacay waa ay ka bogsadeen. Haddaba waxa isweyddiinta mudani waa maxay waxyaabaha ka saaciday Hindiya in aanu xanuunkan dunidii benneday saamayn badan ku yeelan iyada oo ay jiraan waxyaabo badan oo u sahlaya in xanuunku si ba’an u waxyeelleeyo? Walow aanu jirin war rasmi ah oo la xidhiidha waxyaabaha Hindiya ka saaciday in aanu xanuunku ku fidin ama waxyeello badan gaadhsiin, hadda waxa jira qodob ay dadyowga dhaqanka Hindiya yaqaannaa ku sababeeyeen oo ah in bulshada reer Hindiya tahay bulsho aad ugu xidhan cunto ahaan in ay dhanka khudaarta kala geddisan iyo midhaha. Taa oo caafimaad ahaan suurtogal ka dhigi karta in dad badan oo Fayraska Corona jidhkooda galay uu ka baxay xataa iyaga oo aan ogaan wax calaamadihii xanuunka ka mid ahna aan dareemin oo xataa aan iska shakiyin.

Qodobkan oo dabcan tixgelintiisa leh caafimaad ahaan waa qodob sidiisa u mudan in la tixgeliyo si gaar ahna u mudan maalmahan dhibtu jirto in khudaarta iyo midhaha noocyadooda difaaca xoojiya caabuqyadana la dagaallama aad loo ogaado oo loogu dadaalo in ay guryaha taallo dadkuna xataa iyaga oo caafimaad qaba xoog u isticmaalaan. Ka hortag iyo daawoba. Waayo xanuunkan iyo kuwa la midka ahi ka hor iyo daawoba waxa ay leeyihiin waa difaaca jidhkaaga oo xoogganaada. Reer waxa ay mudan in dhankan casharro laga barto.

 

 

Ismaaciil Xaaji Ciise

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker