Dacwada dilka Xildhibaan David Amess oo Lagusoo Oogay Nin Soomaali 25 jir ah
Cali Xarbi Cali oo ah 25 jir Somali-British ah ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwad ah inuu toorey ku dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK.
Cali oo Jimcihii tagtay lagu xidhay isla goobta uu dilku ka dhacay ee magaalada Leigh-on-Sea ee bariga London, ayaa sidoo kale wajahaya dacwad labaad oo ah diyaarinta ficil argagixisanimo.
Waxaa lagu waday inuu kasoo hor muuqdo Maxkamad ku taalla bartamaha London sida ay sheegtay Xeer-ilaalinta Boqortooyada iyo booliska UK.
Xildhibaan Amess, oo ahaa 69 jir dhalay shan caruur ah, ayaa la dilay isaga oo kulan la lahaa dadka soo doortay, wuxuuna noqday xildhibaankii labaad ee British ah ee la dilo shan sano gudahood.
Xildhibaan Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga Labour-ka ayaa sidoo kale la dilay ayada oo la kulmeysa dadka soo doortay, ka hor aftidii Brexit ee June 2016.




