Suldaanka Guud ee Beelaha JSL Iyo Cuqaal Kale Oo Beeniyey War Maanta Hargeysa Lagu Shaaciyey Murashax Golaha Deegaanka U Taagan.

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suld. Cabdilaahi Iyo Cuqaal kale oo ay isku deegaan ka soo wada jeedaan’ ayaa si adag u Beeniyey war ay maanta Hargeysa ku Shaaciyeen Murashax Doorashadda Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa u sharaxeen’ arintaasi oo mid lagu deg degay oo si Khaldan shaacinteeda loogu dhawaaqay uu ku Tilmaamay Suldaan Maxamed.
Shir Jaraa’id oo Caawa ay Hargeysa ku qabteen Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suld. Cabdilaahi Iyo Cuqaal kale’ ayey kaga soo hor jeesteen Murashax Maanta ay Shaaciyeen Rag Hargeysa arintaasi kaga dhawaaqay’ waxaanay sheegeen arintaasi mid si Qaldan loogu dhawaaqay inay tahay Isla markaana Laba Murashax oo (Beesha Cabdi Ciise ee Beel Weynta Ciidagale) ka mida ka soo jeeda oo Booska Murashaxnimadda golaha deegaanka isku hay ee kala ah Murashax Siciid Cabdi Samad iyo Murashax Cabdirisaaq Wiiwaa wali aan la kala saarin hawshoodana la geli doono balse kooxdii maanta ku dhawaaqday in Murashax Cabdirisaaq Wiiwaa in laysku raacay aanay waxba ka jirin arintaasi iyo Murashaxa ay Shaaciyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker