Midowga Africa oo Soo Dhaweeyay Wadahallada u Bilaabmay Dalalka Djibouti Iyo Eritrea.

Guddiga midowga Africa ee [AUC] ayaa soo dhaweeyay wadahadallada hor dhaca ah ee u dhaxeeya dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea oo ay gadh-wadeenka ka yihiin dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Madaxada guddiga AUC Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in bayaanka wada jirka ah oo ay kala saxeexdeen hoggaamiyayaasha dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea iyo dib u soo celinta xidhidhkii Jabuuti iyo Eritrea la odhan karo waa tallaabooyin muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabada iyo xisiloonida gobolka.

“Waxaan amaanaya hoggaamiyeyaasha Jabuuti, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya dhiiri galintooda ku aaadan nabada iyo wada jirka dadka ku dhaqan gobolka,” ayuu yidhi Faki.

Itoobiya iyo Erirea ayaa horay heshiis uga gaadhay colaada soo soctay muddo ka badan 20 sano oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 80,000 oo ka kala tirsanaa labada dal, kaddib markii uu go’aankan nabada uu qaatay ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Laga soo bilaabo sanadkii 2009 Eritrea waxaa saarnaa cunaqabteyn dhinaca hubka ah ay soo rogtay Qaramada Midoobey iyada oo lagu eedeeyay in ay taageero siiso Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker