Fanaanka Qamar Suudaani oo Xalay Hargaysa lagu wax yeeleeyay ,
Ciidamo la sheegay inay ka tirsanaayeen Booliska ayaa xalay waxaa ay Magalada Hargeysa ku jirdileen Fanaanka Qamar Suugaani oo kamid ah Fanaaniinta ugu Caansan xilligaan Gayiga Soomaalida.
Fanaanka oo ka hadlay jirdilka loo geystay ayaa sheegay in xilli uu kasoo adeegtay goob Ganacsi oo ku taalla Xaafada Calaamada ee Magdhalada Hargeysa ay jirdil iyo handadaas ku sameeyeen Ciidamada Somaliland.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in, iyada oo aanay wadan warqad lagu amrayo in lagu soo xidhaayo ay Gaadhi ku kaxeeysteen, isla markaana ay ku geeyeen Saldhiga Booliska Magalada Hargeysa, intaasi kadibna jirdil xoogan loo geystay, kadibna lasiidaayay.
Geba-gabadii waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda aanay u sheegin waxa lagu heystay,sidoo kalena Ciidamada qaar ay u sheegeen in uu yahay fanaan ay dhageystaan heesihiisa,isla markaana ay jecel yihiin taas oo layaab ku noqotay.




