Rag Cadaalad Waaya Sidii Cawsha Kala Yaac

maxaynu u dhibsadaan marka beel ama qabiil tabasho ka muujiyo dawlada Somaliland?
Qabiil kastaaba xaqa iyo xuquuq buu waddanka ku leeyahay cid aqbalaysa dulmi iyo sad bursi majirto .
Shalay , maanta iyo barriba ma jirto qabiil Somaliland ku dhaqan oo ay ahayd in la duudsiyo saamigiisa waxayse ahayd in markasta laga duulo cadaalada iyo sinaanta dhexdeena ah lana baa,biyo xaglinta iyo Eexda .
Marka cadaalad laga hadlayana ,Somaliland dulmigu wuu shaac baxay.
 eexda ,qaraaba kiilka iyo nin jeclaysiguna wuxuuba noqday mid joogta ah oo aan kaba so raynayn.
Shalay baynu dulmi ka dagaalanay oo naf iyo maalba ku waynay si aynu isaga dulqaadno cadaalad darro iyo dhaqaalahoo  deegaan isku koobo, maantana inaynu dhexdeena isku dagaalno oo beelaha qaarkood dulmi ay tirsanayaan gaadhaan inay qori iskaga kiciyaan waa garr oo waa daw
Halgankii lasoo galay ujeedkiisu ma wuxuu ahaa inagu wynu is boobno oo qabiilna ha dhergo midka kalena yaanuba dhadhamin ?
Waxaana bulsho badani ka marag kacaysaa in beelaha dulmiga tirsanaya ama carabkaba aanku balaadhiye qabiilada laga cabudhiyey dhankasta inay yihiin kuwii halgankii dib uxoraynta dalka ay naf iyo maalba usoo hureen  .
Kuwii ugu tirada badnaa ee  shalay u dhintay cadaalad inay helaan dawladii xooga badnayd ee Maxamed siyaad bare iyo ciidamadii ugu adkaa afrika u badheedhay allaa ina dilayee maanta oo dawladnimada itaalkeeda iyo awoodeedaba aynu ognahay may dagaalami waayine war malaha tudhaale iyo lexejeclo waddani ah baa ka  hortaagan inay duurka galaan.
Ugu danbayntii madaxda dalku waa inay ku noqdaan toobiyaha saxan ummadana u cadaalad sameeyaan eexdana suuliyaan, beelaha tabashada qabana waxaan kula talin lahaa inay wixii ka maqan wada hadal iyo is afgarad ku raadiyaan maadama aynaan nabadgelyo darro qaadi karin .
Allaa mahad leh
Waaa Qalinkii. Liiban Cartan Xuseen
0634214835

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker