Mareykanka oo joojinaya 300 oo milyan oo doolar oo uu siiyo Wadanka Pakistan.

 

Pakistan waxay ku gacan seyrtay eedda Mareykanka u u soo jeediyey

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay iney joojinayaan $300 oo milyan oo doolar oo ay siin jireen dalka Pakistan maadaama Islamabad ay ku guuldarreysatay iney wax horumar ah ka sameeyso la daggaallanka kooxaha argagixisada ee la dagaallama.

Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay wuxuu Pakistan ku eedeeyey iney Mareykanka Khiyaantay iyada oo balayiin doolar uu siiyo.

Afhayeenka Pentagon Gaashaanle dhexe Kone Faulkner ayaa wuxuu sheegay iney ciidamada Mareykanku doonayaan lacagaha ay Pakitan siiyaan iney ku bixiyaan meela kale oo “muhiimad degdeg ah leh.”

Go’aanka Mareykanka uu ka gaaray dhaqaalaha uu ku taageeri jiray Pakistan inuu joojiyo waxaa la horgeyni doonaa Aqalka sare ee Mareykanka, iyada oo bishi January la iclamiyey qayb ka mid ah tallaabbada uu Mareykanka ka qaadi doono Pakistan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa waddanka ay xulafada dhow yihiin ee Pakistan ku eedeysay iney ku guul darreysatay la dagaallanka ururrrada argagixisada ee ka dhaqdhaqaaqa dalkaasi ururradaasi oo ay ka mid yihiin kooxda Haqqani iyo Taalibaan.

Hadalka Mareykanka ka soo yeedhay ayaa wuxuu ku soo beegmay maalin un ka hor xilli uu wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo uu booqasha ku tagayo Pakistan.

Wuxuuna bishi January Mareykanku shaaciyey inuu gabi ahaanba uu joojinayo taageerada dhinaca militariga ee uu siiyo Pakistan.

Waa kuwee ururrada lagu eedeeyo iney taageerto Pakistan?

Kooxda Haqqani ee dagaallanta waxay inta badan howl galladooda ka fuliyaan gudaha dalka Afqaanistan ee Pakistan dariska la ah, iyada oo ay marar badan dowladda Afqanistaan ay uga cabatay Islaamabad iney dalkeeda ka saarto kooxdaasi Haqqani ee howlgalladooda gudaha Pakistan ka soo maleega.

Waxaana kooxda Haqqani lala xidhiidhiyaa iney gacan sar la leeyihiin ururka Taliban ee ka dhqdhaqaaqa gudaha Afganistan oo aragtida islaamiga ah huwan weerarradana la beegsadao dowladda Afqaanistaan.

Ururka Talliban garabkiisa Pakistan ee ka dhaqdhaqaaqa gudaha dalkaasi waxay iyaguna howlgalladooda ka fuliyaan gudaha Pakistan oo keli ah.

Kooxda Haqqani iyo Ururka Taalibaan waxay weerarra badan ka fuliyeen gudaha Afqaanistaan iyaga oo dilay ciidama Mareykanaka ee halkaa ku sugan, waxayna saraakiisha Mareykanka ay hoosta ka xarriiiqeen iney sirdoonka Pakistan ay gabbaad u noqdaan kooxahasi.

Pakistan maxay kooxahan u taageertaa?

Pakistan ayaa waxaa marar badan lagu eedeeynayey iney ururka Taalibaan ay u aasaastay iney ku fushato siyasaddeeda arrimaha dibadda. Laanta sirdoonka PAkistan (ISI) ayaa waxay ka qayb qaadanayeen maalgelinta iyo tababaridda dableeyda ka dagaallanto gudaha Afqaanistaan kaddib marki ay dalkaasi 1979-kii qabsadeen ciidamadi Midowga Soviet.

Xiriirka Pakistan iyo Afqanistan oo bilihi ugu dambeeyey sii xumaanayey

Sida oo kale ilaa 2001-dii Pakistan waxay oggolaatay in dhulkeeda hubka iyo saanadaha loo sii mariyo ciidamada ku sugan gudaha dalka Agaanistaan, iyada oo iskaashi iyo tageera buuxdaba u fidineysay howlgalka Afqaanistan ay reer galbeedku kula dagaallamayaan ururka Al-qaacida, daka u kuurgala siyaasadda dalkaasina waxay sheegaan iney dhinaca kalana Pakistan sii wadday taageerada ay siineysay kooxaha ka soo horjeeda xukumadda Afqaanistaan.

Ujeeddada ay taageerada ugu fidineysana ururradaasina ay tahay iney saameyn iyo cadaadisba u geysato Afqaanistan iyo cadowga ugu weyn ee ay Pakistan gobolka ku leedahay ee Inida awooddeeda iney wiiqdo.

Xigasho:- BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker