Dhibaatooyinka Ku Geedaaman Dhallinyaradda Ku Shaqaysa Adeega Dalabaadka Mootooyinka Ee Dhaweeye

Dhaweeye waa Shirkada ku shaqaysa habka loo yaqaaan dalabaadka onlineka ah taas oo  uqaybsan saddex waxood oo kala ah

1- Dhaweeye Taxi: waa adeeg taxi oo kuu fududeynayo inaad hesho gaadhiga kuugu dhaw mudo yar gudaheed.

2- Dhaweeye Food: waa adeeg kuu fududeynayo inaad ka dalbato cunada aad jeceshahay maqaayada ama hodheelka aad dooneyso, adiga oo laguugu keenayo waqti aad u yar.

3- Dhaweeye Delivery: waa adeeg kuu fududeynayo inaad ka dalbato wax yaabaha aad u baahantahay sida Gas-ka, Biyaha iyo waxii la mid ah.

Dhaweeye Food.

Adeega aan doonayo inaan ka hadlo ama aan wax ka qoro dhibaatooyinka dul hoganya ee haysta dhallinyaradda ku shaqaysa waa Dhaweeye Food.

Adeegani waa hab online ah taas oo uu qofku ku dalbanayo cuntada Hudheelo gaar ah oo ay xidhiidh wada leeyihiin Shirkadda Dhaweeye isaga oo Gurigiisa jooga,

Marka ay Macaamiisha ku xidhana Adeegan ay soo sameeyaan ama ay soo codsadaan dalab cunto waxa uu toos ugu soo dhacaa xafiiska shirkadda waxaana sii gudbiya xafiiska oo gudbisa hadba dalawarka udhow iyadoo markaa lagu qaado dalbkaa cuntooyinkaa ay soo dalbadeen macaamiishu mootooyin yar yar oo ay leedahay shirkada taas oo ay ku shaqeeyaan dalawaro ubadan dhallinyarro.

Maxay Tahay Dhibaatooyinka Haysta Dhallinyardaas Ku Shaqaysa Adeega Dhaweeye Food

marka aad doonayso inaad wax ka sheegto ama aad wax ka qorto dhibaato meel ka jirta waxaa haboon inaad meesha ukuurgasho ama aad dhexgasho oo aad wax badan ka ogaato waxay yihiin ama ay ka shaqeeyaan hadii kale dhibaatooyinkaas aad sheegaysa waxay noqonayaan qaar laab lakaca oo aan lagu kalsoonaan Karin, anigu Adeegan Dhaweeye Food ee aan doonayo inaan wax ka qoro Dhibaatooyinka Ku Geedaaman Dhallinyaradda Ku Shaqaysa Adeega Dalabaadka Mootooyinka Ee Dhaweeye inaan ka mid ahaa dhallinyaradaas ku shaqeeyay adeegaas lana kulantay dhibaatooyinkan aan hoos ku sheegi doono.

1: Marka ugu horeysa ee aad soo codsato Dalawar Mooto oo doonaya inuu ku shaqeeyo Adeega Dhaweeye Food waxaa lagu weydiinayaa inaad taqaano wadida Mootooyinka iyo inaad aqoon u lahayn  ka dibna waxaa laguu gudbinaya Macalinka Shirkada uqaabilasan tababarida iyo imataaxaan ka qaadida  Darwalada.

Macalinka Tababaradda Uqaabilsan

Macalinka uqaabilsan tobabarida iyo imitaxaan ka qaadida darwalada Mootooyinku Aqoon buuxda uma laha nidaamka Mootooyinka iyo Habka wadooyinka loo maro waana ta keentay inaad aragto Mootooyin yar yar oo leh calaamada Dhaweeyaha ku waas garab yaacaya Gawaadhida ama xawaare sare ku maraya wadooyinka magaalada xitaa haday cidhiidhi yihiin.

macalinkani ma tuso dhallinyaradda uu tababaryo qaabka wadooyinka loo marro ama looga taxdiro shilalka maadaama waxa uu wato darwalkani uu yahay mooto si yar oo fudud uu ku gali karo shil uu ka  soo kabsan waayo noloshiisa inta ka dhiman.

macalinkani inuu ardaydaa aanu wax badan barin waa ka aqoon la’aan madaama aanay shirakadu xayaysiin inay ubaahanatahay macalin Mooto, taas oo ay qaab kale ku soo xulatay macalinkaas  iyadoo heli lahayd hadii ay xayaydiin lahayd  Macalin aqoon ahaan iyo tayo ahaan ba u dhisan.

Dalabaadka Soo Dhaca Iyo Qaabka Loo Mareeyo

Marka aad Mootadda soo kaxaysto toos waxaad u hoos tagaysa xarunta dhexe ee adeega dalbaadka oo ku taala xaruntii hore ee kayse bushaaro.

Marka dalabku ku soo dhaco Xafiiska Shirkadda waxay toos ugu gudbisaa dalabkaas hadba darwalka ugu dhow ama ugu soo horeeyey hadii markii u yimi ee uu shaqadda soo galay u soo sheegay qofka xafiiska ku sugan ee dalbaadku ku soo dhacayaan.

Qofkan ama macmiilkan  Cuntada soo dalbaday waxaa la heshiinaya oo qiimaha usheegay Xafiiska shirkadda  darwalkana waxaa kaliyaate loo sheegayaa inuu Hudheelkaa tago oo uu qaado dalbkaas  una geeyo macmiilka soo dalbaday.

Shirkadu darawalka waxay kula heshiinaysaa in dalab kastoo soo dhaca ay ku leedahay 10% laakiin halkaa markaad eegto musuqmaasuq weyn ayaa ku dhex jira madaama aanu darwalku ogeyn inta uu dakhliga safarkii uu galay inta uu leegyahay ma xisaabin karo Shirkadu intay qadanayso ama inta faa’iido ee uu helay kaliya waa inuu Aamina waxa ay shirkadu usoo dirto 10 sacadood ka bacdi. Inuu musuqmaasuq ku jiro waxaa ku cadynaya habeenkii ugu horeeyay markii aan dalabka qaadey ee aan ugeeyay macmiilkii ka dib aan xafiiska ku soo noqday inantii waxaan weydiiyay dakhligayga waxay iisheegtay inuu dakhligaygu yahay 17000slsh lakiin subixii markii lacagaha la soo diryay waxaa laysoo diray 13000slsh, markaa taasi waxay kuu cadaynaysaa heerka musuqu ka dhex marayo Shirkada Dhaweeya.

Dhanka kale marka aad eegto qarashka kaa galaya inaad macmiil ugayso dalab iyo dheefta ka soo galaysa waxaa badan boqolkiiba boqol kharashka aad galayso.

Khaasaraha Ku Dhex Jira In  Laga Shaqeeyo Adeega Dhaweeye Food

Marka aad doonayso inaad Shaqo ama Ganacsi aad ka faa’iido waa in kharashka aad galinaysaa uu ka yaraadaa faa’iidada aad filayso inay meeshaas ka soo baxdo, se hadii kharashka aad galinayso uu ka bato faa’iidad meeshaas ka soo baxda taas waxaa loo yaqaan Khasaare.

Sidaa si la mid ah markad ka shaqaynayso Adeega Dhaweeye Food waxaad inta badan ku sugantahay Khasaare sababtoo ah dhamaan kharashka galaya inaad macmiil ugayso dalab cunto oo uu soo dalbaday Adigaa bixinaya. Tusaale ahaan Shidaalka ay Mootadu ku socoto, Lacagta Ku Shubashada ee aad Macmiilka kula hadalayso iyo lacagta aad ku shubanayso Internetka si Appku kugu shaqeeyo oo uga jawaabto dalbaadka. Intaas oo kharsh ah oo laysku geeyo badanaa way ka badan yihiin faa’iidada laga helo Adeegan Dhaweeye Food.

intaas oo kharash ah waxaa sii dheer Nin Cabdiqaadir kaas oo la heshiiyay shirkada Isag oo Mulkiile ka ah qaar ka mid ah Mootooyinka Shirkadda yaala isla markaan kula heshiiya qofka doonaya inuu kaxeeyo inuu habeenkii u soo xareeyo lacag dhan $2 oo udhiganta 17000slsh taasi waxay ku tusaysaa heerka Khasaare iyo isku dul nolaashe ee ka dhexjira Adeega Dhaweeye Food.

la soco qaybta 2aad

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Qoraa Saxafi ka hawlgala Hargeisa Somaliland

Email: suldaancabdiraxiim@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker