Ilhan Omar Oo Dacwad Furiin Ah Ka Gudbisay Seygeeda

Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay seygeeda Axmed Xirsi.

Ihaan Cumar ayaa maxkamad ku taalla Minnesota u gudbisay dacwaddaasi maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay.

 

Ilhaan iyo Axmed ayaa waxay isguursadeen sanadkii 2000 waxayna kala tageen sanadkii 2008, waxayna dib isugu laabteen sanadkii 2018-kii.

“Xidhiidhkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.

 

Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda cruura  ee ay isu dhaleen.

Khilaafka u dhexeeya lamaanahan ayaa waxaa dhawaan si muuqata uga hadashay warbaahinta Maraykanka.

Ilhan ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xidhan ee loo doorto Congress-ka Maraykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker