Raysal-wasaaraha Ethiopia oo La Kulmaya 1000 Qof oo Ka Socda Dowladda Deegaanka Soomaalida.

Addis-ababa-(OWN)-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qorsheynaya in maalinta Jimcaha [Berri] magaalada Addis Ababa kulan kula yeesho 1000 qof oo ka kala socda deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wararku waxaa ay sheegayaa in 700 oo oo ka mid ah dadkan imikaba ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya , iyadoo dadkan uu la kulmayo ra’iisal wasaaraha noqonayaan dad ka madax-bannaan xisbiga tallada haya iyo maamulka intaba.

Lama oga arrimaha uu kala hadli doono ra’iisal wasaaraha dadkan uu la kulmayo, hasse ahaatee waxaa loo maleynayaa in uu la soo qaadi doono xaalada guud ee dowlad deegaanka oo bilihii ugu danbeeyay-ba ay ka dhacayeen rabashad uu dhiig badanni ku daatay.

Abiy ayaa ku howlan sidii nabad loogu dhameyn lahaa qalalaasaha ka jira deegaan-ka gaar ahaan dirirta u dhaxeysa Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo muddo dheer-ba soo jiray.

Horaantii bishan waxaa xilka ka degay oo iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, waxaa xilka uga danbeeyay oo si KMG u sii hayay Axmed Cabdi Maxamed Ilkacase, hasse ahaatee kulan magaalada Addis Ababa ay ku yeesheen golaha fulinta xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  ayaa xalay madaxweyne loogu doortay Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker