Shirkii Gudiga Fulinta Ee Xisbiga Talada Ethiopia Haya EPRDF oo Addis Ababa Kasocda & Arimo Badan oo Lagaga Hadlay.

 

Image result for eprdf

Addis-ababa-(OWN)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya kasocda shirkii Gudiga Fulinta ee Ururka EPRDF, waxaana shirka kasoo qayb galay dhamaanba 36da xubnood ee uu kakooban yahay ururka EPRDF.

Kulanka ay  isugu yimaadeen ayaa kaduwanaa shirarkii hore ee EPRDF ay gali jirtay, waxaana shirka laga dareemayay khudbado xanaf lahaa oo ay jeedinayeen xubnaha ugu sareeya dalka sida Raysal-wasaaraha iyo kuxigeenkiisa.

Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed oo furitaankii shirka kahadlay ayaa sheegay in aan loodul qaadan doonin cid kasta oo isku dayda in ay wadanka Khalkhal galiyaan waasida uu hadalka udhigaye, waxaanu Abiy cadeeyay in aan loodulqaadan doonin cid kasta oo amaanka wax yeelaysa.

Abiy Ahmed ayaa lasheegayaa in uu dhowr jeer si dadban usoo hadalqaaday kooxda TPLF, waxaanu sheegay in ay muddo isha ka eegayeen dhibaatooyinka jira, waxaanu Abiy sheegay in kooxdii isku dayda amaan xumo ay kashalayn doonto.

Sidoo kale Damake Mokonen oo ah Raysal-wasaare ku xigeenka Itoobiya ayaa isna raacay hadalkii Raysal-wasaaraha, wuxuuna sheegay isbadalka wadanka kadhacay in aanay ururo keenin balse ay shacabku keeneen rabitaanka shacabkuna uu muhiim yahay.

Mokonen oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in cidii isku dayda rabitaanka shacabka in ay baabi’iso lala xisaabtami doona, wuxuuna sheegay in lalaxisaabtami doono qofkastana xaqiisa lasiiyo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker