Alshabaab Oo Sheegay In Ay Dagaal Kula Wareegeen Saldhig CXDS Ku Leeyhiin Marka

Wararka aan ka heleyno magaalada Marka, ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab ay saaka weerar xoogan ku qaadeen saldhig ciidanka xooga dalka soomaaliya ay ku leeyihiin dagaanka Ceel Saliin.

Weerarka oo ahaa mid ku bilowday qarax Ismiidaamin ah, kadib waxaa xigay dagaal xoogan oo dhexmaray kooxdii weerarka soo qaaday iyo ciidankii ku sugnaa Saldhiga. Dadka deegaanka ayaa u sheegay in Al-shabaab ay weerar dhowr jiho kusoo qaadeen deeganka Ceel-Saliin, isla markaana ay maqlayeen jugta rasaas culus oo ay isdhaafsanayeen labada dhinac.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen saldhigii ciidanka dowladda, isla markaana ay dileen askar badan oo ka tirsan ciidankii halkaas ku sugnaa. Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay ilaa 6 gaadiid iyo hub oo ay ku qabsatay dagaalka.

Dawlada Fadaraalka Soomaliya iyo taliska ciidanka xooga dalku wali kamaa hadal dagaalkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker