Aqoon Yahanka Bulshada Oo Ka Deyrinaya Talaabada Mweynuhu Imaratka Carabta Ugu Magacaabay Masuul Kasoo Jeeda Deegaanka Saaxil.

Madaxweynaha Somaliland  Waxa Uu Soo Saaray Dikreeto Ka Koobnayd Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Ku Aadan Qaar Ka Mid Ah Wakiilada Somaliland U Jooga Wadamada Caalamka Oo Uu Ku Jiro Safiirkii Somaliland U Joogay Isu Tagga Imaaraatka Carabta Baashe Cawil.

 In Kasta Oo Sawirka Guud Ee Laga Dheehanayay Isbedelkan Madaxweynuhu Sameeyay Uu Ahaa Mid Taabanaya Xilal Kala Duwan Oo La Xidhiidha Wakiilada Dalalka Caalamka Qaarkood U Jooga  Somaliland Iyo Sidoo Kale Hay’ado Dawli Ah, Hadana , Talaabadan Magacaabista Ee Uu Qaaday Madaxweyne Biixi Ayaa Dadka Siyaasada Rog Rogaa  Waxay Ku Sifeeyeen In Aan  Macnaha Dhabta Ah Ee Go,Aankani  Sidaasi Ahayn,Balse Ujeedada Rasmiga Ah Ee  Qaraarkani Uu Ahaa  Bedel Ku Jihaysan  Wakiilka Somaliland Ee Waddanka Emaratka Carabta.

Falan Qeeyayaasha  Arrimaha Siyaasadda Ayaa Iyaga Oo Xiganaya Tibaaxo Ay Ka Heleen Shakhsiyaad Ka Ag Dhow Madaxweyne Biixi,Waxa Ay Ku Tilmaameen  In Qaraarkani Safiiradu Qayb Ka Ahaa  Natiijadii Ka Soo Baxday Shir Ay Madaxweynaha Iyo Waxgaradka Beeshiisu Gorrodda Isku Geliyeen Magaalada Gebilay,Horraantii Bishan, Wakhtigaaso Uu Kasoo Kicitimay Dhanka Magaalada Boorama..

Intii Shirkaasi Socday Waxa Iyagu Halkaasi Madaxweynaha Kulan Kula Yeeshay Odayaal Kasoo Jeeda Deegaanka Berbera  Oo Uu Ka Mid Yahay Cali Xoorxoor.

Arimaha Ay Madaxweynaha Sida Adag Uga Wada Hadleen Ayaa Ahayd Cabasho Ku Saabsan In Maadaama  Laga Faro Maroojiyay Dekedii Magaalada Berbera,Dhibaatada Ugu Weyn Ee Ay Wakhtigan Tabanayaan Tahay In Aanay Wax Macluumaad Ah Ka Haysan,Halka Uu Marayo Qaabka Heshiiska U Dhexeeya Somaliland Iyo  Dp World,Taasi Awgeedna Ay Ka Cabsi Qabaan Nooca Heshiiska Iyo Sawirka Uu Mustaqbalka Yeelan Doono,maadaama ay deegaankii yihiin, Sidaasi Awgeed Ay Lagama ,Maarmaan U Arkeen In Mansabka Uu Hayo Baashe Moorgan La Geeyo Xubin Kasoo Jeedda Beesha Ciise Muuse Si Ayay Yidhaahdeen Aanu anagu Kalsooni Uga Qabi Karno,Hanaanka Dhaqdhaqaaqa Hawlahaasi.Niyaduna Noogu Degto.

Madaxweyne Biixi Ayaa La Sheegay In  Arrinkaasi Ay U Soo Bandhigeen Odayaashu Uu  U Cuntami Waayay,Waxaanu Ku Dooday In Hawsha Wareejinta Dekeddu Ay Markeedii Horeba Salka Ku Haysay Sidii Horumar Looga Samayn Lahaa Wax Wada Lahaanshaha Bulshada,Oo Hoos U Dhac Weyni Ka Jiray.Taasi Oo Dekeddu Ka Mid Ahayd Meelaha Ay Beelaha Kale Ee Somaliland Ku Doodi Jireen In Aanay Weli Qaramaysnayn Kuna Jirto Gacan Beeleed.Hadii Imika Safiirka U Dhexeeya Somaliland Iyo Imaaratka Carabta Laga  Dhigo Shakhsi Kasoo Jeeda Deegaankii  Awal Horeba Loo Tirin Jirayna, Ay

Laf Jab Ku Tahay Isbedelkii La Doonayay,   Sidaasi Awgeed Laga Fiican Yahay Ayuu Yidhi Madaxweynuhu Inaad Dib Wakhtigan Inoogu Celisaan Halkii Laga Soo Dhaqaaqay.

Waxaanu Intaasi Madaxweynuhu Ugu Ladhay Odayaasha,  In Bedelka Xilkani Qorshaha Ugu Jiro, Hase Yeeshee Masuulka loo qorshaynayaa   Uu Noqonayo Beelaha Kale Ee Somaliland Siiba Badhan,Boorama , Sool,amaba hadii si kale loo yidhaahdo aan Habar awasha ahayn.

Amuurtan Oo Dood Dheer Laga Galay,Isla Markaana Odayaashu Ku Hoga Tuseen Madaxweynaha Inay Rajaynayaan Inaan Beelaha Kale Waxba Kasoo Saari Doonin Cudurna Loo Qaadan Karin Talaabadani,deegaan ahaana ay armaha dekeddu iyaga si gaar ah u taabanayso,Isagana Ka Madaxweyne Ahaan Ay Garab taagan yihiin Una Ducaynayaan.

Waxa Uu Aakhirkii Madaxweynuhu Isagoo Sida Ilahaasi tibaaxayaan Ku Calool Fayoobayn,Go,Aansaday Inuu Ka Aqbalo Dalabkaasi Odayaasha,Taasi Oo Digreeto Kusoo Saaray Kadib Kolkii Uu Kusoo Guryo Noqday Fadhiisinkiisii Madaxtooyada.

Si Kastaba Ha Ahaatee Talaabadan Uu Madaxweynuhu Kaga Badheedhay Inuu Beelo Rumaysan Inay Dekedda Ka Leeyihiin, Ummadda Inteeda Kale Kaga Ogolaaday Dalab Gef Ku Ah Qaran Nimada Iyo Wadaniyadda Iyo Wax wada lahaansha iyo Nidaamka  Dawladeed Ee Dalka U Dhisan,Ayaa Guux Badan Waxa Uu Ka  Dhex Abuuray Dadka Indheer Garadka Ah Ee Gudaha Wadanka Iyo Debediisaba.

Waxaanay Ku Tilmaameen Inaanay Ahayn Wax La Qaadan Karo Isla Markaana Ay Xaajadu Noqonaso Mid Weli  Halkeedii Hore Taagan,Horseedna Ka Noqon Doonto Kala Jab Burbur Iyo Tafaraaruq  Ay Ku Dhacdo Qaran Nimadii Loo Soo Maray, Dhibaatada Ee Xanjada Laysugu Nabayay.

Waxaanay Si Weyn Walaac Uga Muujinayaan indheer garadkaasi  In Ficilkani  Fidmo Ku Keeno Beelaha Kale, Qayb Kastaana Markay Doonto Deegaankeega Gaar u Sheegato.

Aqoonyahan Siciid Idiris Gaaxnuug..Hargeysa

abdinacfi2013@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker