Maxaad Kala Socotaa Xidhiidhka Soo Jireen Ka AH ee Somalia iyo Xisbiga Kulmiye? Qalinkii Maxamuud Biixi

Hordhac

 

…waxa la yidhi meesha roobku aadka u biyo dhigo, dhulkana biyuhu hoos ugu fogaado, waxa lagu gartaa doog naq ah, oo meelaha kale ka qurxoon ayaa lagu gartaa, iyo waliba dhuxun kureeb badan oo reeskaa qoyan soo raaca ama ka dhasha.

Dhacdadan dabiiciga dhulkeena ku ah iyadoo aan ka duulayo waxaan jecley in aad umada Somaliland usoo bandhigo, xidhiidhi xididadiisu dhulka ku arooreen, gadhwadeynka ka ahaayeen, asaasayaashii xisbiga kulmiye tan iyo ilaa SNM.

 

Iftiimin

Ahmed Siilaanyo waxaa uu furey daaqad wada hadal oo ilaa hada la ogeyn waxa uu ka gorgortamayey xiligii dagaalka SNM aadka u kululaa 1988-89.

Taasoo uu caadeystey shirar qarsoodi ah uu aalaaba madax ka socota dawladii Siyaad Barre kula gali jirey safaaradii somalia ee Paris. Xigasho (Cabdilaahi Dool) masuul ka tirsaan waaxda agaasinka wasaaradii Arimaha debada ee Somalila.

 

In yar ka hor intii Siyaad Barre la ridin waxa uu Silaanyo London ugu mashquuley diyaarinta qabyo qoraal bud-dhig u noqda midnimo Somaliyeed. Qoraaladaas oo si fudud aad uga heli kartid internet ka iyagoo ku qoran luqada engiriisiga.

 

Madaxweynaha somaliland Muse Biixi oo xiligaas ahaa wasiirkii daakhiliga Somaliland waxa uu qoraal sir ah u qorey Gen. Caydiid xiligii lagu guda jirey sameyntii dawladii loo yaqaaney Sal-Balaadh 1995 kii, iyadoo waraaqdaa loo sii mariyey shaqsiyaad  ciidamada ay saaxiib ku ahaayeen, iyo kuwo shicib ah oo ay Gen. Caydiid isku heyb dhow ahaayeen sida Cumar Salaad.

 

Intii uu socday shirkii Imbagaati 2002-2005 ee C. lahi Yuusuf lagu doortey, waxay soo daabacdey Jariirada la yidhaa Al-Khaliij ee kasoo baxda Emirates ka iyo Arab news in xidhiidh lala sameeyey Gudomiyaha Mucaaradka ee Somaliland ee Kulmiye Mr. Silaanyo in uu noqdo madaxweynaha Somalia si loosoo afjaro goosashada Somaliland.

 

Bilowgii 2008 dii waxa uu bilaabey xisbiga Kulmiye in uu ka qeyb noqdo ka qeybgalka shirarka loo qabto qeybaha is-haya ee Somalia, kaas oo uu ka mid ahaa, kii uu qabtey Congress-man Tony Bynes, shirkaas oo dawladii Riyaale diidey, laakii uu ka muuqdey wakiilkii Kulmiye ee Dibadu Maxamed Cabdilaahi Cumar.

 

Laga soo bilaabo intii Kulmiye talada dalka hayey, waxa caado noqotey in xubno xilal ka haya Somaliland ay hadana u wareegi jireen dawladihii Xamar ka jirey, iyo Kuwii madaxda ka ahaa Xamar-na ay Hargeysa ka noqon jireen madax. Tusaale, ku xigeenkii Ra´iisal wasaare xukumadii Cali Geedi Dr. sifir waxa uu noqdey wakiilka Somaliland ee Kenya, Dr. Mohamed C. lahi Cumar wasiirkii arimaha dibada Somaliland iyo xubin  gudidda fulinta ee Kulmiye xubin ka tirsan lataliyaasha Kheyre. Gudoomiyhii bangiga dhexe ee Somalia C. lahi Haaji Jaamc  ayaa isna maalmo ka dib noqdey gudoomiyaha bangiga Somaliland 2013 kii. Sidoo kale Yusur Abraar oo iyana Bangiga Xamar madax kasoo noqotey2012 kii, waxay ka mid tahay lataliyayaasha ka shaqeeya madaxtoyada Somaliland . Laba Raíisal wasare ku xigeen oo kala Sheekh Ridwaan Xirsi iyo Maxamed C. lahi Oomaar hada waxa ay yihiin la taliyayaal madaxtooyda Hargeysa ku cindan.

 

Waxa intaas dheer sida Somaliland ugu dhex milantey siyaasadaha Somalia intii Kulmiye joogey. Tusaale ahaan, waxa jeelasha Somaliland ku xidhan dambiilayaal ka tirsan Somalia oo maxkamado dibada ah lagu xumey. Sidoo kale Somaliland waxay qeyb ka tahay xulida xubnaha golayaasha shcabka ee Somalia, sida ay sheegtey xildhibaanad Xamar joogta shirkii Heritage ee kaqabsoomey Jaboobti sanadkii hore. Xisaabiyihii guud ee Dahabshiil C. Raxmaan C. Laahi waxa sanadkan loo magacabey Gudomiyaha Baanka Somalia.

 

Kabasii darene. Wargeyska Indian Ocean News-Letter, qorana siraha dawladaha, cadadkiisii ugu dambeeyey soo qorey, warbixin cinwaankeedu ahaa sidan ( THE EMIRATI PLAN TO CONQUER POWER IN MOQADISHU) kaasoo uu dulucdiisu aheyd.

 

In shir ay wada galeen xukuumada Somaliland iyo safiirka Sucuudiga ee Xamar jooga iyo xubno ka socda Emiraes ka, in Hargeysa laga sameeyo, xafiis lagu rido Farmaajo oo koonfur lagu galiyo guluf qabyaaladeed, si madaxweyne looga dhigo qof  ka mid ah  beesha Hawiye oo gacan saar laleh Emirates ka. Taasloo looga gol-leeyey sidii dawladaha Turkey iyo Qatar Meesha looga saari lahaa, lacagta loo adeegsanayaana noqoto ta Dp World ee Berbera.

 

Hawlgalkaasna badh kamid ahna loo raro Nairobi. Haa Somaliland iyana ay ka heli doonto, kaliya sidii go´doon loo galin lahaa xisbiga Waddani.

 

Intaas ka dib waxa deeqdaa usoo dhareeriyey una soo baratamay, rag ay ka mid yiin C. Raxmaan C. Shakuur iyo Xasan Sheekh, iyagoo labadooduba bartooda Facebook ga ku qorey hadalo kooban oo lagu ayidayo socdaalkii Guinea Konockry iyo Xayiraadii adhiga ee Sucuudigu kula kacay Somaliland.

 

Maxamuud Biixi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker