Wax Ka Baro 10 Magaalo Ee Ugu Nolosha Wanaagsan Iyo Kuwa Ugu Liita Aduunka 2018.
Sahan ay sameysay qeybta Intelligence ee ka tirsan Shabakadda Economist Group ayaa lagu ogaaday “In Vienna ay tahay magaalada ugu wanaagsan ee lagu noolaankaro adduunka”, waxeyna sidaa kaalinta ugala Wareegtay magaalada Melbourne oo markii hore loo aqoonsanaa.
Sahanka ayaa tilmaamay in magaalada Manchester ee UK ay horumar wanaagsan sameysay oo ay soo kacday 16 kaalmood, waana horumar aaney sameyn magaalo kale oo Yurub ah, waxey gashay kaalinta 35 magaalooyinka ugu wanaagsan adduunka ee dhanka nololsha.
The Economist waxey yidhaahdeen: “Horumarka ay sameysay magaalada Manchester, waxa ugu weyn ammaanka magaalada oo si weyn u hagaagay.”
Roxana Slavcheva oo Sahanka diyaarisay ayaa waxey tidhi: “Manchester waxey muujisay awood dib u kabasho weeraradii argagaxiso ee magaalada ka dhacay kadib, waxaa ka muuqda xasillooni badan”
Waxey intaa sii raacisay: “Xaaladda ammaan magaalooyin badan oo Yurub ah ayey aad u soo hagaagtay.” iyadoo carrabka ku adkeysay in Vienna ay ugu horreyso magaalooyinka Yurub dhanka ammaanka, arrintaas oo ku tusinaysa sida xaaladda ammaan ay u soo hagaagtay guud ahaan Yurub.”
Shaxdan kala sarreynta 140 dowladood ayaa dhinacyo badan laga eegay, xasilloonida Siyaasadeed, tan dhaqaale, heerka dambiyada, waxbarashada, adeegyada caafimaad ee ay magaaladu bixiso.
Magaalooyinka ugu khatarta badan adduunka dhanka hoose waxaa kaga jira Damascus, Dhaka iyo Lagos, Sahanka laguma soo hadalqaadin magaalooyinka Bahghdad iyo Kabul.
10 magaalo ee ugu wanaagsan 2018
- Vienna, Austria
- Melbourne, Australia
- Osaka, Japan
- Calgary, Canada
- Sydney, Australia
- Vancouver, Canada
- Tokyo, Japan
- Toronto, Canada
- Copenhagen, Denmark
- Adelaide, Australia
10 magaalo ee ugu halista badan 2018
- Damascus, Syria
- Dhaka, Bangladesh
- Lagos, Nigeria
- Karachi, Pakistan
- Port Moresby, Papua New Guinea
- Harare, Zimbabwe
- Tripoli, Libya
- Douala, Cameroon
- Algiers, Algeria
- Dakar, Senegal





