Daawo:- Guusha ay Soomaalida Maraykanku ka Gaadhay Is Reeb-reebka Doorashada Maraykanka.

Minnesota-(OWN)-Labo Gabdhood oo Soomaali ah ayaa ku soo baxay doorashada hore ee is reebreebka dalka Mareykanka, waxaana ay Ilhaan Cumar ku soo baxday kursigii uu banneeyay Keith Ellison ee Congress -ka Mareykanka iyada oo ka soo baxda xisbiga Dimuquraadiga.

Is reeb-reebka doorasho ee xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga ee gobolka Minnesota ayaa la oran karaa waa mid uga dhigan Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka guul weyn oo taariikhi ah kaddib markii ay ka soo dhax baxeen saddex ruux oo Soomaali ah oo labo ka mid yihiin Gabdho.

Sidoo kale Gabadha lagu magacaabo Hodan Xasan ayaa ku soo baxday golaha Congress-ka gobolka Minnesota iyo halka Maxamuud Nuur oo ku guuleystay kursigii ay horey u baneysay Ilhaan.

Ilhaan Cumar ayaa heshay codadkii la dhiibtay 59,322 oo u dhiganta 48.1%, sida lagu sheegay natiijada oo markii dambe la soo dhejiyay.

Ilhaan Cumar oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay guushan, waxayna tilmaamtay inay guushaan gaadho inay ugu suuragashay isku duubni iyo inay sameysay balan qaadyo ah inay wax badan ka qaban doonto caqabadaha heysta Soomaalida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker