Sacuudiga Oo Bilaabay Inuu Saddex jibaaro Cashuurta Badeecadaha Dalkiisa

Sucuudiga ayaa saddex laabay cashuurta iibka ee saaran badeecadaha dadku iibsadaan, talaabadaas oo qayb ka ah qorshaha tashiilka ee la doonayo in lagu badhi taro dhaqaalaha dalka ee coronavirus-ku dhaawacay.

 

 

Xukuumadda Riyaad ayaa sidoo kale sheegtay in ay joojinayso gunnadii maciishadda ee ay siin jirtay shacabka, si loo yareeyo kharashka dawladda.

 

 

Dalkan saliidda hodanka ku ah ayaa tan iyo intii sicirka shidaalka ee caalamku dhulka galay safmarkan awgii, dhaqaalihiisu dhulka galay.

 

 

Boqortooyadu waxay markii ugu horraysay cashuurka iibka dalka ku soo rogtay laba sano ka hor taas oo ujeedadu ahayd in ay yarayso xaddiga dhaqaalaheeda ee ku tiirsanaanta saliidda.

Wakaaladda wararka dawladda ee Sucuudiga ayaa sheegtay in qiimaha cashuurta iibka oo markii hore ahaa 5% haatan laga dhigay 15 % laga bilaabo 1 bisha Juulaay ee soo socota, iyo in sidoo kale la joojin doono gunnada machiisadda 1 Juun.

 

 

Gunnada maciishadda ee shaqaalaha la siin jiray waxay ahayd 1,000 Riyaal oo u dhiganta 267 doolar bishii, taas oo loo bilaabay sannadkii 2018 si looga kabo culayska cashuurta iibka ee markaa lagu soo rogay dalka iyo sicirka shidaalka oo kacay.

 

 

“Go’aannadani waa kuwo xanuun badan laakiin ma huraan u ah xasiloonida maaliyadeed iyo dhaqaale ee dalka mustaqbalka dheer…. Isla markaana looga gudbo duruufahan lama aragga ah ee coronavirus oo saamayntiisa loo xadidi karo” ayuu warbixin uu soo saaray ku yidhi wasiirka Maaaliyadda Maxamed Al-Jadcaan.

 

 

Shaacinta arintani waxay soo baxday iyada oo kharashaadka dawladda ee boqortooyadu gaadhay in miisaaniyaddeeda lagu kabo amaah dhan 9 bilyan oo doolar saddexdii bilood ee ugu horeeyey sannadkan.

 

 

Waxaana sababay hoos u dhaca sicirka saliidda mudadaas saddexda bilood ah oo sababay in dakhliga dawladdu uu hoos u dhaco 34 bilyan oo doolar, oo wadarta dakhliga dawladda ka ah 22%.

 

 

Sidoo kale bankiga dhexe ee Sucuudiga ayaa sheegay in uu is dhimay kaydkii dalka ee lacagta qalaad bishii Maarijk oo uu gaadhay xaddigii ugu hooseeyey tan iyo sannadkii 2011.

 

 

 

Talaabooyinka lagaga hortagayo coronavirus saamayntiisa ayaa sidoo kale la filayaa in turunturreeyaan isbedallada dhaqaale ee dhaxal sugaha taajka borotooyada, Maxamed Bin Salmaan, bilaabay.

 

 

Kal hore ayaa Sucuudigu saamiyo uu ka iibiyey shirkadda shidaalka ee dawladdu leedahay ee Aramco wax aka soo galay 25.6 bilyan oo doolar.

 

 

Iibinta saamiyadaasi waxay hal-bowle u ahayd qorshaha Maxamed Bin Salmaan ku doonayo in uu casriyeeyey dhaqaalaha dalka oo uu yareeyo ku tiirsanaantiisa dakhliga saliidda oo keli ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker