Iran oo dal-dashay wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga

Warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in Alireza Akbari oo u dhashay dalkaas heystana dhalashada Britain ayaa la dal-dalay kadib markii lagu eedeeyay in uu u basaasayay Britain.

Mr Akbari, oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga Iran ayaa la xiray sanadkii 2019-kii.

Wakaaladda wararka ee garsoorka Iran ee Mizan ayaa ku warrantay in Alireza Akbari la dal dalay inkasta oo aysan sheegin wakhtiga iyo goobta uu ka dhacay xukunka dilka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Akbar ku tilmaamay mid fuleynimo ah isla markaana naxariis darro ah oo uu ka dambeeyo rajiimka Iran.

Dowladda Britain waxay hore uga codsatay mas’uuliyiinta Iran inay sii daayaan Mr Akbari, waxay ku tilmaantay xukunka dilka ah mid siyaasadeysan.

Iran waxay toddobaadkan baahisay muuqaalo muujinayay wax u muuqday Akbari oo lagu qasbayo in dambiga uu qirto.

Mr Akbari wuxuu ku sheegay cod ay heshay BBC Persia in la jirddilay si uu qirto dambi uusan gelin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker