“Ciidamadeena ayaa gacanta ku haya deeganada ay ku dagaalameen Oromada iyo Soomaalida”Raysal-wasaaraha Ethiopia.

Addis-ababa-(OWN)-Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Adis ababa ayaa waxaa uu ka hadlay colaadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya.

Image result for abiy ahmed

Abiy Axmed ayaa sheegay in Ciidamada Federaalka Dalka Itoobiya ay hadda gacanta ku hayaan xaaladda guud ee dalka islamarkaana Ciidamadu ay hadda xaqiijinayaan amniga.

Odayaasha labada dhinac ayuu sheegay in lagala hadli doono islamarkaana miiska wadahadalka la isugu keenayo labada dhinac ee ay colaaddu u dhaxeyso.

Waxaa uu ku baaqay in dhinacyada Soomaalida iyo Oromada ay xaaladda dejiyaan islamarkaana dib ugu laabtaan nolosha maalin laha ah iyaga oo iska illaawaya been abuurka iyo colaad hurinta laga dhexwado.

Dad ku dhow hal Milyan oo qof oo labada dhinac ah ayaa ku barakacay colaadda oo ka billaabatay Degaanka Mooyaale kuna fidday sohdinta labada ismaamul ee Oromada iyo Soomaalida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker