UEFA Oo Shaaciyay Goolkii Ugu Qurxoonaa Ee Toddobaadkan Laga Dhaliyo Champions League, Goolkee Guulaystay Midkii Messi Ee Man United Iyo Kii Sterling Ee Tottenham?

 

 

 

 

 

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay ku guuleystaha goolkii ugu qurxoonaa toddobaadkan ee Champions League laga soo dhaliyay oo afar xiddig ku tartamayeen.

Afarta xiddig ee tartamayay ayaa ahaa Lionel Messi oo ku tartamayay goolkii uu ka dhaliyay Man United, Sterling oo ku loolamayay midkii koowaad ee uu ka dhaliyay Tottenham, Neres oo ku tartamayay goolkii uu Juventus ka dhaliyay lugtii hore iyo goolkii Coutinho ee isla Man United.

Haddaba, Goolkii ugu wanaagsanaa goolashaas ayaa loo xushay midkii uu Lionel Messi kazoo dhaliyay Manchester United waliba goolkii furitaanka ee lugtii dambe ee Camp Nou.

Messi ayaa ka faa’idaystay qalad uu sameeyay kabtankii kulankaas ee Red Devils ee Ashley Young isaga oo intaas kaddib dhaafay xiddigaha kale ee kooxda xagal hoosena kubadda ka dhaliyay.

Goolka labaad ayaa loogu codeeyay midkii Sterling ee Tottenham halka saddexaad uu galay goolkii Neres halka uu midka afraad ee ugu dambeeya noqday goolkii Coutinho.

Halkan Ka Daawo Goolasha Iyo Kala Horreyntooda:

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker