Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Ee NISA Oo Sheegtay In La Soo Qabtay Maskaxdii Ka Dambeysay Qaraxyadii Muqdisho Ka Dhacay.

Muqdisho-(OWN)-Qoraal la soo dhigay Bogga Twitterka Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay ku guuleysteen soo qabashada ruuxii ka dambeeyay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho.

Waxa kale oo NISA ay sheegtay in la soo qabtay ruuxii waday gaadhiga labaad ee ku qarxay Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho oo inta uusan qarxin ka hor la qabtay ninkii waday.

Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ma aysan sheegin magaca qofka la soo qabtay ee ay sheegtay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyada dhacay.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda laba qarax oo gaadiid loo adeegsaday oo mid ka mid ah lagu dhuftay Koontaroolka Ciidanka Koofi gaduuda ay ku leeyihiin Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker