Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Gaza
Israโil ayaa Arbacadi shalay sii wadday duqeymaha cirka ah ee ay ka waddo Gaza, xilli ay sii socdaan wadahadallada caalamiga ah ee lagu xiixayo xabbad-joojin la kala dhex dhigo Israโil iyo Xamaas.
Millatariga Israโil ayaa duqeeyay deegaanno ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Gaza, halkaas oo la xaqiijiyay in ay ku dileen tobnaan qof.
Ciidamada Israโil waxay sheegeen in ay qaadeen howlgal ay ku bartilmaameedsadeen qeybo ka mid ah deegaannada Bureyj iyo Deyr Al Balax ee Bartamaha Gaza.
Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in duqeyn ay ciidanka Israโil la beegsadeen iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo ku yaalla xerada qaxootiga Nuseyraat lagu dilay 27 qof. Dadka lagu dilay weerarka ayaa u badnaan qoysas gabbaad ka dhiganayay iskuulka.
Sidoo kale goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in duqeymo ay ciidanka Israil ku garaaceen xeryaha qaxootiga ee Maghazi iyo Deyr Al Balax lagu dilay 11 qof.
Dhanka kale, wakiillo ka socda maamulka madaxweyne Jose Biden ayaa gaaray Bariga Dhexe si ay u xiiraan, hindisaha xabbad-joojinta ee uu soo bandhigay madaxweynaha Mareykanka Jimcihi.
Hindisahaan oo ka kooban saddex waji, ayuu Biden ku sheegay in qeybta koowaad ay ogolaan doonto xabbad joojin lix todobaad ah iyo in la is weydaarto la heystayaasha labada dhinac, iyo in Gaza la geeyo gargaar baniโ
Aadannimo.
War xalay kasoo baxay hogaamiyaha Xamaas, ayay Xamaas ku gacan-seyrtay qorshaha xabbad-joojinta Israโil iyo Xamaas ee madaxweyne Biden.
Israโil, horay ayay u sheegtay in aysan ku qanacsaneyn, balse ay soo dhaweyneyso.




