Xisbiyada Siyaasadda Ee Shiicada Wadanka Ciraaq oo ku kala qeybsan soo dhisidda xukuumad cusub.

Sadex bilood ka hor markii ay dhacday doorashada barlamaaniga ah ee dalka ciraaq ayaa ilaa iyo hada waxaan la soo dhisin xukuumad cusub iyada oo aan la ogeyn wakhtiga ay qaadan doonto.

Ma jiro xisbi siyaasadeed oo hantay kuraasta aqlabiyadda doorashadii dhacday 12-kii bishii May,waxaana hogaamiye yaasha ciraaq ay bilaabeen wadahadallo u dhaxeeya si loo dhiso xukuumad loo dhan yahay.

Hore waxaa u soo baxayay dhaleeceyn ka timid xisbiyada qaar oo ku aadanaa in doorashada lagu shubtay.

Xisbiga the Sairoon Alliance oo uu hogaamiyo Muqtada al-Sadr ayaa kuraasta barlamaanka guul ka helay,iyadoo xisbiga kale ee shiicada ee Fatah uu isna kuraas badan helay.

Labadan xisbi oo ah kuwa shiico ah ayaa isku heysta awoodda lagu dhisayo xukuumada cusub,balse waxay ku xidhnaan doontaa hadii aanay midnimo dhexdooda ah gaadhin taageero uu mid mid kale ka helo xisbiyada kurdida iyo sunniyiinta ciraaq.

Labadan xisbi ayaa markii hore waxaa si toos uga soo horjeeday asxaabta shiicada marka ay timaado dhanka loolanka.

Falan qeeyayaasha dhanka siyaasada ayaa aaminsan hadii midnimo aanay gaadhin labada xisbi ay ku xidhnaan doonto taageerada ay ka helaan asxaabta kale ee sunida iyo kurdida si loo soo dhiso xukuumadda xigta ee Ciraaq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker