Qarax Keenay Dhimasho iyo Dhaawac oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
Muqdisho-(OWN)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax xooggan uu Xalay fiidjii ka dhacay magaalada Muqdishu.
Qaraxa ayaa waxaa sababay gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo bixiyey, waxaan uu ka dhacay maqaaxi laga qaxweeyo oo ku dheggan Shaneemo Soomaaliya jidka Maka Al-Mukarama.
Gaadhiga waxaa la hordhigay makhaayad ay dhalinyarada iyo dadka kale ay ku qaxweeyaan, taas oo ku taalla degmada Waabir, sida goobjoogayaahsu sheegeen.
Inta la ogyaha 4 qof ayaa ku dhintay 9 kalena way ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadku.





