Taliyaha Booliska gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan gaadhi Bas ah oo laga leeyahay Ethiopia.
Burco-(OWN)-Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Togdheer Cabdi Cali Xayd, ayaa HCTV u sheegay in ay gacanta ku hayaan gaadhi Bas weyn ah oo laga leeyahay waddanka Ethiopia kaas oo rag la soo galeen gudaha Somaliland.
ragga wataa ayaa ku doodaya in ay iyagu leeyihiin gaadhiga oo aan Dawladda Ethiopia lahayn, arintan ayaa lagayaabaa in ay qayb ka tahay bililiqo baahsan oo maalinimadii shalay ka dhacday magaalada jigjiga ee xarunta DDSI oo rabshado hadheeyeen Wali Ma Cadda Xaqiiqada gaadhigan kasoo talaabay dhinaca Xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.





