Raysal-wasaaraha Dalka Soomaaliya oo u amba baxay dalka Suudaan.
Muqdisho:-(OWN)-Wafdigan uu hoggaaminayo raisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u amba baxay dalka Suudaan,iyadoo mas’uuliyiin ay ku sii sabootiyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ujeedka socdaalka raiiasl wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la xidhiidha sidii ay uga qeybgali lahaayeen shir looga hadlayo arrimo la xidhiidha nabadeynta Suudaanta Koonfureed iyo qeybsiga khayraadka ka dhexeeya labada dowladood ee Suudaan..
Shirka oo ay gadhwadeen ka yihiin wadamada ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya kujirto ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee halkaasi ka taagan.
Raiisal wasaare Xasan Cali Khayre inta uu joogo magaalada Khartuum ee xarunta Dalka Suudaan waxaa lafilayaa in uu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha kuyaala dalkaasi




