Guddida Dhismaha Waddada Cad Oo Guddoomiye Cusub Doortay

 

Hargeysa (OWN)- Guddida dhismaha wadada isku xidha Hargeysa Iyo Salaxley ee Wadada Cad loo yaqaano ayaa sheegay in ay doorteen guddoomiye cusub, kadib markii uu is casilay guddoomiyihii Guddidaasi.

Guddoomiye Eng Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Cabdirisaaq Wiiwaa) oo ahaa guddoomiyaha guddida Wadada Cad ee isku xidha Hargeysa iyo degmada Salaxley ayaa shaaciyey in uu iska casilay xilka guddoomiyenimo ee guddidaasi, isaga oo sidoo kalena shaaciyey in uu u sharaxan yahay golaha degaanka ee degmada Hargeysa, waxaanu shacabka reer Somaliland iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somalilandba uga mahadceliyey siday uga qayb qaadanayaan dhismaha iyo dhamaystirka wadadaasi.

Sidoo kale xubno kamid ah Guddida Wadada cad oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa cadeeyey in ay is casilaada ka aqbaleen guddoomiyihii hore ee guddida Wadada Cad,iyaga oo sheegay in guddoomiye cusub loo doortay Guddida Wadada Cad,waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka tirsan Guddida Wadada Cad ee isku xidha Hargeysa ,Salaxley iyo Ina Guuxaa, isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka Guddidaasi , waxaanu sheegay in ay Eng Cabdirisaaq maxamed Faarax ka aqbaleen is casilaadaasi,isaga oo sheegay in Guddoomiye loo doortay Faysal Muuse Shidde.

Waxa uu sheegay Sheekh Maxamed Cali Geedi in dhismaha wadadaasi yahay Shaqo Khayre ah, isla markaana ay u furan tahay cid kasta oo wax ku darsanaysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker