Madaxweynaha DDSI Cabdi Max’ud Cumar wuu Caafimaad qabaa “Wasiirka Warfaafinta DDSI”
Xukuumadda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegtay in shacabka magaalada Jigjiga dhibaato badan loo gaystay.
Wasiirka warfaafinta ee dowladda deegaanka Soomaalida itoobiya Idiriis Ismaaciil Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu nabad qabo.
Mucaaradka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ugu baaqay shacabka inay is-dejiyaan islamarkaasna ay ilaaliyaan nabadgelyada.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen hoggaamiye dhaqameedyada inay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo xallinta dhibaatooyinka soo food saaro shacabka.
Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay inay ku faraxsan yihiin in miltariga ay soo farageliyaan maamulka Soomaalida.
Mid kamid ah mucaaradka oo ku sugan magaalada Dir Dawe ayaa Warbaahinta u sheegay inay tegayaan magaalada Jigjiga ayna kulanka labaad ku ballansan yihiin magaaladaas, wuxuu intaasi ku daray in maanta goobo ganacsi la bililiqaystay halka Kaniisado la gubay.
Xilli maanta ay xiisad ka jirto magaalada Jigjiga, waxaa isa soo taraya warar kala duwan oo kasoo baxaya halkaasi.
Warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Kaniisadda ugu wayn magaalada Jigjiga dab la qabadsiiyay.
Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in bangiyo la boobay halka hanti badan la bililiqaystay.




