“Shidaalka laga helo Itoobiya 5% ayay Soomaalidu ku yeelanayaan” Dr Abiy Ahmed Raysal-wasaaraha Ethiopia.

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka jawaabay su’aal in muddo ahba taagneyd oo la xidhiidhta qoondada Soomaalida ee shidaalka lagu wado in laga soo saaro dhulka Soomaalida Itoobiya, isaga oo sheegay in 5% -kiiba ku yeelanayaan.

Arrintan oo dood weyn abuurtay ayaa waxaa markiiba ku gacan-seydhay madaxda Ururka mucaaradka ah ee ONLF oo ku dooday in Soomaalidu xaq u leedahay in loogu danbeeyo kheyraadka laga helo dhulkeeda.

‘’Hadalka ka soo yeedhay ra’iisal wasaaraha Itoobiya hadal yaab leh weeye, dowladda Itoobiya waxaan ka sugeynay wada hadal daacadnimo ku dhisan, sidaa daraadeed waxaan leenahay waa in aan Annagu hantidee-na Siyad ka noqonaa’’ ayuu yidhi afhayeenka Ururka ONLF Cadaani Hirmooge.

Laakiin Abiy Ahmed ayaa sheegay in muhiimadu aysan aheyn in shidaal oo kaliya laga fikiro, laakiin ay tahay in la wada wadaago kheyraadka dalka oo dhan isaga oo yidhi’’ Walaalaheen deegaanka soomaalida waxaan u sheegay in ka badan 5 goobood ayaa Itoobiya shidaal laga helay, arrintu meesha taagan ma aha inaan ku faanno anigu shidaal ban helay, anigu bun ban leeyahay anigu biyaan leeyahay ee muhiimaddu waxaa weeyey sideen kheyraadkaasi meel isugu geeyna oo aan uga wada faa’ideysanna”.

Ra’iisal wasaraha ayaa qoondadan uu sameeyay ku sheegay in ay tahay mid sharciyan xitaa looga dhaqmo dalalka kale ee qaarada isaga oo yidhi” Iyada oo Soomaalida oo keli ah loo eegeyn kheyraad kasta oo dabiici ah oo laga helo deegaan 5-10% waxa lagu hormarinayaa deeganka kheyraadka laga helay, arrintaasina waa mid caada u ah oo ay ku dhaqmaan waddama badan oo ka tirsan qaaraddan Afrika”.

Laakiin dhinaca kale madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo arintan horey uga hadlay ayaa sheegay aragti ka duwan tan ra’iisal wasaaraha isaga oo yidhi’’ “Su’aasha ay ka hadlayaan ee ay aad noo weeydiinayaan, waa imisa ayaan leenaya, wixiiba inaga ayaa lehe, imisa aan leenahay waa maxay?” ayuu yidhi madaxweynaha oo intaas ku daray “Sharci waxaa jira federaalka oo dhigaya in shidaal haddii uu soo boxo, ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna wuxuu leeyahay 60%, midda federaalka lafteeda ayaan wax ku leenahay” .

ONLF ayaa dhinaceeda ku doodeysa in arintan tahay miday muddo dheerba ka dagaalamayeen, iyaga oo xitaa gaashaanka u daruuray qoondada uu sheegay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sikastaba. Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo lagu amaanayo isbadallada waaweyn ee uu durbaba ka sameeyay dalka Itoobiya markii uu tallada la wareegay, ayaa dhinaca kale la eegayaa sida uu wajahi doono khilaafka laga yaabo in uu ka abuuro arinkan ku saabsan wadaaga kheyraadka ee dhinaca Qowmiyadaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker