Shirka shidaalka Soomaaliya oo London ka furmay

Magaalada London ee dalka Britain waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya, oo ay ka qeyb galayaan shirkadda Spectrum ee dalka Norway laga leeyahay oo sahan ku sameysay shidaalka Soomaaliya iyo shirkado kale oo ay casuuntay iyo dowladda Soomaaliya.

 

Shirkan oo muddooyinkii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay, ayaa siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ay walaac ka muujiyeen, iyagoo ku tilmaamay mid lagu beylahsanayo Shidaalka Soomaaliya, maadaama aaney jirin sharciyo iyo xeerarka Batroolka.

 

Waxaa kaloo shirka mid aan dastuuri aheyn ku tilmaamay guddiga kheyraadka ee Aqalka Sare, oo maalin ka hor war qoraal ah soo saaray.

 

Inta uu shirka Maanta socday ayaa afaafka hore ee Hotelka shirka lagu qabanayay waxaa ku hor banaanbaxay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Magalada London,kuwaas oo sheegay in shirka uu yahay mid lagu xaraashayo xermooyin ka mid ah Shidaalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker