Dacwad Liddi ku ah Qunsuliyadda Turkiga oo la horkeenay G/Wakiillada Somaliland iyo Magacyada Xildhibaanno Ka Marag-kacay jiritaankeeda

Hargeysa (OWN)- Iyadoo uu dhawaan furmay Kalfadhiga Golaha Wakillada Somaliland isla markaana mudaneyaashu maalin walba isugu yimaaddaan Kulan-maalmeedkooda oo ay kaga doodaan Xeerar wax-ka-beddel lagu samaynayo iyo Xaaladaha ka taagan dalka, waxa fadhigii maanta la horkeenay oo xildhibaannadu soo bandhigeen Dacwad ka dhan Qunsuliyadda Turkiga ee magaalada Hargeysa.

 

Mudaneyaal ka tirsan Golaha, ayaa dooddii fadhiga maanta ku soo gudbiyey dacwad ka dhan ah Qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa oo ay ku eedeeyeen hadimooyin iyo dhibaato ay ku hayso madaxda dalka iyo Shacabka, iyagoo sheegay in xildhibaannada qaarkood ay sharaf-dil iyo bah-dilaad kala kulmeen shaqaalaha ka hawl-gala Qunsuliyadda, sidaas awgeed loo baahan yahay in Shir-guddoonka Goluhu uu wasaaradda Arrimaha Gudaha u gudbiyo qoraal lagaga dalbanayo wax-ka-qabashada arrintan.

 

Si Aad u Akhrisato Warkan oo Faahfaahsan, Gudji Sawirka Hoose

 

 

Oodweyne News

webmaster@oodweynenews.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker