“Wakiilkii Qaramada Midoobay Wuxuu U Dhaqmay Sidii Uu Dalkan Maamulo … “Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya.

Muqdisho-(OWN)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay go’aankii dowladda Federalka Somaliya ay dalka kaga ceydhisay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya Nicholas Haysom.

Wasiir Cawad oo la hadlay laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in ergayga uu galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha ula dhaqmay sida mas’uul isaga ka amar qaata.

“Mr Haysom wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblumaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya. Marka wuxuu cay ku yahay dhaqanka UN-ta, wuxuuna gef weyn ka galay qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yidhi wasiir Axmed Ciise Cawad.

Xalay ayuu soo baxay warka la xiriira in dalka laga eryay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya Nicholas Haysom, kadib markii Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliya ay go’aankaasi soo saartay.

Wakiilkii Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya ayaanan wali ka hadlin go’aanka culus ee Dowladda Federalka Somaliya dalka uga cayrisay.

Lama oga jawaabta ka imaan doonta dhanka Qaramada Midoobay ee la xidhiidhta go’aanka Haysom dowladda ay ka qaadatay.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Amuuraha Dibadda Soomaaliya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker