Banaan Baxyada Lagaga soo Horjeedo Madaxwaynaha Faransiiska Emanuel Macron oo Gilgilay Shaaricyada Magaalada Paris
Kumanaan Ruux oo ah Banaanbaxayaasha ku la bisan Garamada Huruuda ah ayaa todobaadkii 46-aad si Xidhiidh ah Igu soobaxay magaalada caasimada ah ee Paris ee dalka Faransiiska.
Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa dibadbaxayaasha waxay wateen calamo iyo qoraalo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin siyaasada madaxweyne Emmanuel Macron.
Saraakiisha booliska ayaa loo daabulay wadooyinka waaweyn ee caasimada Paris iyadoo dibadbaxyadu hadda uu u socdaan si degan.
Tan iyo markii uu bilowday banaanbaxii bishii November ee sanadkii hore ayaa marba marka ka danbeysa waxaa ku soo biirayay kumanaan ruux oo u dhashay Faransiiska.
Shacabka dalkaasi ayaa aad uga carooday canshuurta dheeriga ah oo dowlada saartay qiimaha shidaalka taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha dadweynaha.k




