Wiil yar oo Afar jir lagu sheegay ayaa galabta ku dhintay Dooxa Hargeysa goob ay biyo fadhiisteen.
Waa Wiilkii labaad ee ku dhinta Dooxa Hargeysa dhawr bilood gudahood.
Maydka Ilmaha yar ayaa la dhigay Cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Goobtan uu ku dhintay wiilkan yari waxaa dhawaan hirgaliyey Maayarka Hargeysa oo ugu talo galay gabiyan ciida u qabta lugaha uu Biriij-ka Hargeysa ku taagan yahay