Taliyaha Cusub Ee AMISOM Oo Gaadhay Baydhabo kuna Dhawaaqay Dagaal ka Dhan-ka ah Al-Shabaab.(Sawiro)

Taliyaha ayaa booqday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Beydhabo,wuxuuna kala hadlay xoojinta wadashaqeynta dhinacyada AMISOM iyo sidii loo dardargali lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Gobollada Baay, Bakool, iyo Gedo, waxaa ku sugan ciidamo ka socda Difaaca Qaranka Itoobiya oo xaruntoodu tahay Magaalada Baydhabo, ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Gen. Ndegeya, oo dhowaan la wareegay hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta, ayaa Shalay oo Arbaco ah kula hadlay saraakiisha sare ee Cidamada Itoobiya xarunta dhexe ee magaalada Baydhabo, taasoo qayb ka ah booqashadiisa isbarashada ee lixda waaxood ee ka kooban AMISOM.

 

 

“Janaayo 22, 2014, Ciidamada Difaaca Itoobiya waxay si rasmi ah ugu biireen AMISOM, kadibna waxay la wareegeen waaxda seddexaad oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka kala socda Uganda iyo Burundi,waxaana ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab ayuu yiri” Gen. Ndegeya.

 

Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya waa hage dhammaystiran oo ay soo diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda si loogu wareejiyo mas’uuliyadaha amniga Ciidamada Soomaaliya maadaama AMISOM la filayo inay dalka ka baxaan. 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker