Xisbiga Wadani iyo Xukuumadda Hadhka

Xisbiga Wadani Oo ah Xisbiga Mucaarid Ka Ugu Weyn Somaliland Waa Xisbi Da’yar Hadana Guulo Badan Gaadhay Marka Loo Eego Xisbiyada Dalka Ka Jira iyo Jiri Jirayba Sababo Badan Awgeed ….
Waxa Isoo Jiitay Marka Laga Tago Ololihii Doorashada Xisbiga Waxaa u Dhisnaa Xukuumadii Hadhka Oo ah Xukuumad Rayid ah Oo Ka Koobnayd Kaadiro Xisbiga Ka Tiran Oo Loogu Talo Galay In Ay Bedasho Xukuumada Hore ee Xiligu Ka Dhamaaday, Sidoo Kale Ilaa Wakhtigan Hogaanka Xisbiga Wadani Waxaa Ka Go’an In ay Hantiyaan Talada Dalka
Waxa Kale ee Xisbigu Ka Muuqata In aanu Mucaaridnimo Ku Qanacsanayn “Niyadda Mucaaridnimo Kamay Gelin”
Waxa Aan Shaki Ka Taagnayn In uu Tartan Adag u Diyaar Garoobaayo Sanadada Soo Socda Guushana Ku Dhawaan Doono Hadii uu Cadeeyo Keliya “Falsafadda Siyaasiga” ah ee Ku Xukumi Doono Dalkan Ama Si Wacan u Sharxi Karo Dhibaatooyinka Horyaal Jamhuuriyadda Somaliland
Maxamed Xoosh
mxoosh09@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker