SOLJA Oo Shirkadda TELESOM Uga Mahad-naqay Lacag Ay Ugu Deeqaay Arday Saxaafadda Ka Barata Jamaacadda Hargaysa

Ururka Solja waxa uu u Mahadnaqayaa shirkadda Isgaadhsiinta Telesom oo maanta ka bixisay 25 Suxufi oo ku jira kulliyadda Saxaafadda Jaamacadda Hargeysa lacag dhan Toban kun oo Dollar oo ah Fee-ga Suxufiyiintaas oo noqonaysa laba simistar ama hal sanno lacagteed.
Shirkadda Telesom waxay hore ururka u siisay taageerooyin kala duwan oo ay ka mid ahayd Lab Computero ah iyo Studio qalabaysan.
Waxa uu ururku uga Mahadnaqayaa garashada Toolmoon ee ay madaxda shirkaddaasi ku baraarugsan yihiin ee ah baahiyaha kala duwan ee haysata Saxaafadda Somaliland gaar ahaan in laga dhiso dhinaca Aqoonta.
Sidoo kale, waxa Mahadnaq balaadhan mudan hogaanka ururka SOLJA oo kulankoodii ugu danbeeyey ee u qabsoomay 2/1/2019 ku Ansixiyey isla markaana ku bixiyey lacag dhan Toddoba kun oo Dollar oo ah Fee-ga Ardaydaasi ah oo u dhiganta laba semister ama hadaan si kale u dhigo muddo sanad ah.
Sanadkii hore waxa kafaalo qaaday safaaradda Ingiriiska oo soo marisay hay’adda Coffey, taasoo sidoo kale Studio qalabaysa ka dhistay gudaha Jaamacadda Hargeysa.
Ururku SOLJA waxa uu u mahadnaqayaa dhamaan shirkadda Telsom iyo Safaaradda Ingiriiska ee Addis ababa iyo Hogaanka ururka SOLJA oo suurtogaliyey inay kulliyaddaas ka furaan Jaamacadda Hargeysa oo maamulkeedu la qaatay inay la hirgaliyaan.
Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqayaa cod kasta oo ka qayb qaadan karta taageeradda kulliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa Arrin iyo Adduunba, si loo helo shanta sanno ee soo socota suxufiyiin Aqointoodu dhisan tahay.
Qorshaha saddex sanadoodka ah ee SOLJA waxa bud-dhig u ah kor u qaadida Aqoonta Suxufiyiinta.
Sidaas daraadeed, ururku waxa uu ugu baaqayaa cid kasta oo ka caawin karta qalab iyo Macalimiinta kulliyadda dhigaysaba inay ka taageeraan si Higsigaasi u midho dhalo.
MAHADDSANID TELESOM

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker