Wax Kabaro Siyaasadda Aduunka: WARBIXIN KOOBAN.

Sidaad la socotaanba waxa maanta si rasmi ah uga furmay dalka Pakistan doorasho in badan la sugaayey, aduunkuna isha si gaar ah ugu hayo….

 

Hadaba waxa dalka Pakistan naafeeyey, haday noqoto dhan dhaqaale, dhan siyaasadeed iyo dhan sumcadeed intaba,  laba shaqsi oo la kala Yidhaahdo Ms Beazir Bhutto oo ka socota ama ka soo jeeda xisbiga loo yaqaano Pakistan People’s Party. (PPP) iyo Ninka la yidhaahdo Mr. Nawaz Sherrif oo isna ka socda ama ka soo jeeda xisbiga la yidhaahdo Pakistan Muslim League. (PML).

 

Hadaba labadaas shaqsi ee aynu soo xusnay gabadha la yidhaahdo ama la odhan jiray Mrs. Benazir Bhutto waxa lagu dilay gudaha magaalada Rawalpindi ee dalka Pakistan taariikhdu markay ahayd 27 December 2007. iyadoo ku jirta tartan kale oo ku aadan doorashada dalkaasi Pakistan.

 

Waxaanay xukunka dalka Pakistan ay soo qabatay taariikhdu markay ahayd 1988. Walow dhawr jeer xisbiga kale ee PML uu kolba kala wareegaayey talada dalka. Waxa ka dib markii la dilay xilka la wareegay ninkeeda oo la odhan Asif Ali Sardari oo lagu naaneysi jiray (Mr. 10%.)

 

Waxaana hada wakhtigan xaadirka ah tartankan doorashada hada u ordaaya oo u taagan waa wiil yar oo ay dhashay oo iska dhaqan celis ah oo ka yimid dalka Ingiriiska. (UK). oo magaciisa la yidhaahdo Bilawal Asif Ali Sardari. Wiilkaas yar oo sida muuqata aan la jaanqaadi karin siyaasada waalan ee ka taagan dalka Pakistan. Laakiin xanbaarsan magacii reerkooda taasina ay keentay in uu xisbigii dhamaa eed dalka ka soo jiray oo intaas oo aqoon yahan iyo waxgarad kalaba laga dhex heli karaayey in isaga laga dhigto musharax.

 

Dhanka kale Ninka isna la yidhaahdo Mr. Nawaz Sherrif oo isna ka socda xisbiga la yidhaahdo Pakistan Mulim League. PML Party. oo dhawr jeer oo kala duwan soo qabtay xilka Raysul-wasaare ee dalkaasi Pakisatan ayaa hada ay maxkamad ku taala dalkaasi Pakistan ay ku soo oogtay fal danbiyeed la xidhiidha musuqmaasuq xoolo dadweyne oo ay hada maxkamadaasi ay ku xukuntay xabsi dheer oo ah ku dhawaad toban sanadood. Waxa isna hada doorashadan tartamaaya waa walaakii oo xanbaarsan magacii xisbiga PML Party. ninkaas oo loo yaqaan Mr. Shabaz Sherif. Isla markaasna ku cusub saaxada siyaasada horena aan xil u soo qaban.

 

 Hadaba labadan shaqsi ee aynu kor ku soo xusnay ee kala ah Mrs. Benazir Bhutto iyo Mr. Nawaz Sherif, ayaa ku suntan maanta isla markaasna ah labada qof ee runtii aakhiro ula dhaadhacay sumcadii, sharaftii iyo karaamadii uu dalka Pakistan uu ku lahaa addun weynaha.

 

Ugu danbayntii Waxa hadaba isna maanta sharaxan oo baahi weyn u qaba in uu xukunka dalka maruun uu qabto, oo uu la dagaalamo, musuqmaasuqa, cadaalad darada iyo dabcan argagixisada naafeysay dalkaasi Pakistan. Musharaxaas oo la yidhaahdo ama ah ninka loo yaqaano Mr. Imran Khan oo hore u ahaan jiray ciyaartoy, ciyaara ciyaarta loo yaqaano(Cricket) ama Kirikit-ka. Una qaaday dalka Pakistan koobkii aduunka. ciyaartaas oo ilaa xad aad uga caan ah dalalka kala ah sida, Pakistan, India, Sri Lanka, Bangladesh, England, Australia iyo New Zealand.

 

Hadaba shacabka Pakistan waxay maanta baahi weyn u qabaan in ay helaan is bedel dhab ah. waxaana maanta rajo weyn laga qabaa in uu soo Baxo musharaxa loo yaqaano, Mr. Imran Khan. oo Kambaynkiisu lugta ku hayo la dagaalanka musuqmaasuqa, cadaalad darada iyo argagixisada caalamiga ah. “Al-Qaida and other affiliated deadly, merciless and internationally known terrorist organizations currently operating right inside Afghanistan and many other parts of Pakistan as a whole”.

 

Waxa kale oo xusid mudan waa ciidanka Pakistan in ay yihiin kuwo awood siyaasadeed oo baaxad leh ku leh dalka Pakistan. (The power of the Pakistani Military Force are indeed a formidable force to be reckoned with.) sidaas oo ay tahay mana la hubo sida ay ula shaqayn doonaan hadii uu soo baxo musharaxa Mr. Imran Khan oo ku cusub saaxada siyaasadeed horena aan xil dalka uga soo qaban. Laakiin si hawl yar ku kasbaday quluubta malaayiin reer Pakistan ah gaar ahaan dadka dhalinyarada ah iyo aqoon yahanka reer Pakistan oo khaatiyaan ka taagan musuqmaasuqa, cadaalad darada iyo argagixisada caalamiga ah ee dalkooda dabada u rogtay.

 

Dadka reer Pakistan waxay dhan yihiin ku dhawaad 150 Milyan oo qof, waana wadanka keliya ee Muslim ah ee haysta quwada ama hubka loo yaqaano Nuclear Power.

 

Amb. Mohamed Ismail Hussein. “Balishire”

Former Somaliland Special Representative to Australia.

Wakiilkii hore ee Somaliland ee dalweynaha Australia.

Emailinfo@somalilandfoundation.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker