Australia: Carruur ku Summoobay Indho-kuul Ay Marsadeen
Ugu yaraan saddex carruur ah ayaa isbitaalka la dhigay dalka Australia kadib markii ay isticmaaleen indha-kuul summaysan oo lagu sameeyay dalka Pakistan.
Saraakiisha caafimaadka ayaa indha-kuusha ka heley maadada Lead-ka loo yaqaan , waxayna ku jirtaa xad dhan 84% boqolkiiba, waxaa kale oo ku badan biro halis ah.
Dowladda waxa ay sheegtay in si sharci ah loogu dhoofiyay dalkaas, balse macluumaadka dusha kaga qoran baakadka alaabta ayaa ah mid aanan sidii saxda ahayn aanan loo qorin.
Alaabaha ay soo saarto shirkadda Hashmi ayaa laga mamnuucay dalka Maraykanka, waxaana horey u jiray digniino horey ay dalaal kale uga soo saareen.
Dadka reer Australia ayaa loo sheegay in ay joojiyaan isticmaalka alaabaha la’isku qurxiyo ee shirkadda Hashmi oo ay indha-kuusha ka mid tahay.




