Hay’adda Bisha Cas Oo Bulshada Reer Sanaag U qabata Adeegyo Nolosha Aasaasiga Muhiim U ah
Ceerigaabo(OWN) Hay’adda Bisha Cas magaceedana loosoo gaabiyo (SRCS) Waxay Xarun weyn ku leedahay magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, taasi oo ah mid qalab ahaan, gaadiid ahaan, shaqaale ahaan iyo agabyada kaleba intaba si weyn u tayaysan, waxayna xaruntaasi fududaysaa fulinta adeegyada hay’addan/ururkani ay bulshada u qabanayaan waayo waa muhiim wax kastoo aad qabanaysid inaad qalabkeeda iyo goobteedana haysatid.
Xaruntan waxa kusugan gaadiid ay kamid yihiin Ambulance-yada lagu qaado dhaawaca ama bukaanka iyo shaqaale isku xidhan (Team work) oo loo tababbaray si degdeg ah inay uga hawlgeli karaan goob kasta oo katirsan gobolka Sanaag oo lagasoo sheego ama ay kajiraan dhibaatooyinka hay’addani ku shaqada leedahay, waxana xusid mudan xilliyada ay dhibaatooyinkaasi jiraan in goobaha ay ka jiraan mar kastaba ay kusugan yihiin kooxo iyo gaadiid hay’addan kasocda, sidoo kalena xarunta guud ay joogaan kooxo iyo gaadiid kale oo heegan u ah haddii taakulo dheeraad ah loo baahdo inay si deg deg ah oo aan doon-doon lahayn islamarkaba ula gaadhi karaan goobtaas.
Hay’addani oo hawleheeda ugu muhiimsani yihiin waxka qabashada dhinacyada caafimaadka degdegga ah, iyo weliba aafooyinka dabiiciga ah iwm, haddana waxyaabaha ay bulshada reer Sanaag u qabato kuma eka kuwaas aynu soo sheegnay oo keliya.
Balse haddaynu waxoogey kasoo qaadno adeegyada hay’addani bulshada u qabato waxa kamid ah Tababbarro caafimaad oo u badan FIRST AID oo loo sameeyo dhallinyaro tiro badan kuwaasoo sannadihii u danbeeyey ay ka dhasheen xirfadlayaal caafimaad oo xilligan intooda badani bulshadooda ugu adeegaan aqoontaas ay barteen.
Sidoo kale waxay qabataa tababbarro dhinaca Kombuyuutarrada ah kuwaasoo aqoonta dhallinyarada iyo xirfadlayaasha caafimaadkaba kor loogu qaadayo sidoo kalena waqtigan ay jiraan dhallinyaro badan oo xirfadda kombuyuutarka ku shaqeeya uguna faa’iideeyey bulshadooda dhexdeeda.
Waxa kaloo muhiim ah oo hay’addan Bisha Cas bulshada u qabataa adeegyada caafimaadka/daawaynta iyo nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka oo la odhan karo waa mid kaalin lagama kacaan ah kaga jira nolosha bulshada waxana hooyada iyo dhallaanku leeyihiin qayb (Section) u gaar ah oo loogu adeego kuna dhexyaalla xarunta hay’addan ee magaalada Ceerigaabo, waana goob runtii adeegga laga helo oo isugu jira daawayn iyo nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka la odhan karo waxa lagaga raystay goobo dhaadheer oo kolkii hore bulshadu u raadsan jireen adeegyadaas.
Sikastaba ha ahaatee innakoo aan halkan kusoo koobi karin adeegyada kala duwan ee Hay’addan Bisha Cas u qabato bulshada Reer Sanaag haddana waxa la odhan karaa guud ahaan hay’addani waxay kaalin muhiim ah kaga jirtaa sidii ay si hagar la’aan ah bulshadeeda ugu gaadhsiin lahayd adeegyada kala duwan ee ay bixiso oo ah kuwo nolosha aasaasiga ah muhiimka u ah.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo




